Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka.
Xubnaha Taalibaan ee Afghanistan ayaa dilal toogasho ah ku fuliyay ama afduubtay in ka badan 100 sarkaal oo hore oo boolis iyo sirdoon ah tan iyo qabsashadii Kabul 15-kii Ogosto, inkasta oo hore loogu dhawaaqay cafis, sida warbixin ay dhawaan soo saartay ay ku sheegtay Human Rights Watch.
Bayaan la saxiixay bishii December 15-keedii, kaas oo ay si wadajir ah u soo saareen, Mareykanka, 27 dowladood oo kale, iyo Wakiilka Sare ee Arrimaha Dibadda iyo Siyaasadda Amniga, ayaa walaac xooggan ka muujiyay xadgudubyadan ay diiwaangelisay Human Rights Watch iyo hay'ado kale.
Warbixinta Human Rights Watch ayaa si gaar ah u diiwaangelineysa dilka ama maqnaasha 47 xubnood oo hore uga tirsanaan Ciidamada Ammaanka Qaranka Afghanistan, kuwaasi oo isku dhiibay ama ay qabteen ciidamada Taliban intii u dhaxeysay 15-kii Ogosto iyo 31-kii Oktoobar.
Human Rights Watch waxay xog ku saabsan in ka badan 100 dil ka soo ururisay gobollada Ghazni, Helmand, Kandahar, iyo Kunduz oo keliya.
Taalibaan waxay awoodday inay hesho diiwaanka shaqada ee dawladda, iyaga oo u adeegsanaya inay aqoonsadaan dadka la xirayo iyo kuwa la dilayo.
Sida laga soo xigtay Human Rights Watch, magaalada Kandahar dabayaaqadii Sebtembar, ciidamada Taalibaan waxay tageen guriga Baz Muhammad, oo u shaqayn jiray sirdoonkii hore ee dawladda oo ay xireen. Ehelkiisa ayaa markii dambe helay meydkiisa.
Patricia Gossman, oo ah xiriiriyaha Asia ee Human Rights Watch ayaa tiri "Cafiskii uu ballanqaaday hoggaanka Taliban kama joojin taliyeyaasha inay si kadis ah u dilaan ama u afduubtaan xubnihii hore ee ciidamada amniga Afghanistan." "Culaysku wuxuu saaran yahay Taliban si ay uga hortagaan dilal kale, oo ay la xisaabtamaan kuwa mas'uulka ka ah, iyo magdhowna u siiyaan qoysaska dhibanayaasha."
Bayaanka wadajirka ah ayaa hoosta ka xarriiqay in "Falalka lagu eedeeyay ay ka kooban yihiin xad-gudubyo waaweyn oo ka dhan ah xuquuqul insaanka oo ka hor imaanaya cafiskii Taliban ay ku dhawaaqday. Waxaan ugu baaqeynaa Taliban inay si wax ku ool ah u fuliso cafiska xubnihii hore ee ciidamada amniga Afgaanistaan iyo saraakiishii hore ee dowladii hore si loo xaqiijiyo in laga ilaaliyo dalka oo dhan iyo dhammaan darajooyinkooda."
"Kiisask la soo sheegay waa in si degdeg ah oo hufan loo baaro, waa in lala xisaabtamaa kuwa mas'uulka ka ah, waana in si cad loo shaaciyo tillaabooyinkan si degdeg ah oo looga hortago dilal kale iyo dad la qafaasho" ayaa lagu yiri bayaanka wadajirka ah.
"Waxaan sii wadi donnaa inaan Taalibaan kula xisaabtanno ficilladooda"