Dagaalka Ukraine wuxuu cawaaqib ama fursad u yahay China

Faalladani waxay ka tarjameysaa aragtida Dowladda Mareykanka

Wadahadalki ugu danbeeyay ee ay dhanka khadka telefoonka ku yeesheen madaxweyne Joe Biden iyo Xi Jinping-ka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, ayay diiradda ku saareen duullaanka macna-darrada ah ee uu Putin ku qaaday Ukraine.

Madaxweyne Biden ayaa sharraxay dadaallada ay Dowladda Mareykanka iyo xulufadeeda uga hortagayaan kuna doonayaan in ay ugu jawaab dagaalka Ruushka ee Ukraine, dadaalladaasi oo ay ku jiraan cuna-qabateyn lagu soo rogay Russia.

Aqalka Cad ayaa sheegay, in madaxweyne Biden uu “u qeexay dhibaatada iyo cirib-xumada ka dhalan doonto, haddii uu Shiinaha taageero maaddi ah siiyo Ruushka. Ruushka ayaa weeraro wuxushnimo ah ku hayo magaalooyinka iyo dadka rayidka ah ee Ukraine.”

Dhawaanahaan, waxaa sii korayay xiriirka dhaw ee u dhaxeeya Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha iyo Raashiya.

Bishii February, hogaamiyaashooda ayaa wada saxiixay bayaan wada jir ah oo ay shaaca uga qaadeen in xiriirka labada waddan uu noqday bah-wadaag aanan xuduud laheyn.

Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ayaa ku guuldarreysatay in ay cambaareyso duullaanka uu Ruushka ku qaaday Ukraine. Dilka dadka aanan waxba galabsan iyo barakicintooda iyo sidoo kale burburinta lagu hayo magaalooyinka Ukraine.

Saraakiisha Maamulka Biden ayaa walaac ka muujiyay suurtagalnimada in Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha in ay ka fakareyso in ay qalab milatari iyo mid dhaqaale ku taageerto Ruushka, taasoo u ogolaaneysa Ruushka in uu iska khafiifiyo cunaqabateynta ay kusoo rogeen dowladaha aduunka, kaddib duullaankiisa gardarrada ah ee Ukraine.

Kaddib wadahadalka khadka telefoonka, ayay afhayeenka Aqalka Cad Jen Psaki sheegtay in madaxweyne Biden uu ku qanacsanaa sidi caddeyd ee uu madaxweyne Xi ugu gudbiyay farriintiisa ah cawaaqibka uu wajahi doono Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha haddii uu dagaalka ka caawiyo Putin.

Waxay kaloo intaasi ku dartay in khadka wadahadalka Mareykanka iyo Shiinaha uu wali furanyahay, iyada oo tiri ,“Hadda, Madaxweyne Xi waa inuu go’aan ka gaaraa waxa uu halkaan ka sameyn doono.”

Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Ned Price ayaa carrabka ku dhajiyay in waddanka walba ay mas’uuliyad ka saarantahay inuu caddeeyo halka uu ka taaganyahay dagaalka gardarrada ah ee aanan cudur-daarka laheyn ee uu Ruushka ku qaaday Ukraine.

Sababo la xiriira xiriirkiisa uu la leeyahay Ruushka, ayay Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha sheegtay, “in ay soo gaba-gabeyn karto qalalaasaha, dhiiggaan badan ee qubanaya, burburinta socota iyo dagaalkaan. Laakin taasi wali ma arkin.”

Afhayeen Price ayaa sheegay in muddo sannado ah uu Shiinaha carrabka ku dhajinayay ahmiyadda madaxbannaanida dhammaan qaramada. Marka ay madaxbannaanidu lasoo weeraro “dalalka caalamka ayaa fursad u heysta in ay muujiyaan in waxa ay sheegeen...xaqiiqdii uu yahay wax macno leh iyo in kale. . .haddii Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha dooneyso in ay dunida tusiso in ay dhab ka tahay wixi ay tiri isla markaan ay gadaal ka taagantahay mabaad’ida ay sheegatay in ay u dusha ka taagantahay muddo sannado ah,” ayuu yiri Mr. Price. Wuxuu intaasi sii daba dhigay “Hadda waxay fursad u heystaan in ay taasi sameeyaan.”