Taageeridda Shaqada Maldova ee qaxootiga Ukraine

Faalladani waxay ka tarjamaysaa aragtida Dowladda Mareykanka

Saameynta dagaalka aanan loo qiil-dayin ee arxan-darrada ah ee uu Putin ku qaaday Ukraine, ayaa sababay cawaaqib xumo kasoo yeereysa meelo ka baxsan xuduudaha Ukraine.

Mid ka mid ah natiijooyinka weerarada Ruushka ee ka dhanka ah goobaha rayidka ayaa ah, barakaca in badan oo ka mid ah shacabka Ukraine “Baaxadda iyo xawaaraha barakaca aan kusoo aragnay Ukraine...wuxuu u baahanyahay jawaab caalami ah oo deg deg ah, loona qaado hab xoogan oo iskaashi ku dheehanyahay,” sidaa waxaa tiri sarkaal sare oo ka tirsan Dowladda Mareykanka.

3-di bishi April, Danjiraha Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield, ayaa booqatay dalka Moldova – halkaas oo ay u qaxeen tiro badan oo reer Ukraine ah isla markaana ah marin ay ku socdaalaan dad kale oo badan. Safarka danjiraha ayaa diiradda saarayay sidii loo aqoonsan lahaa dadaallada ku dayashada mudan ee uu Maldova ku caawinayo qaxootiga ka imanaya Ukraine iyo sidii looga caawi lahaa gargaar bani’aadannimo.

Qulqulka qaxootiga ayay u badantahay inuu sii kordhi doono inta uu sii socdo weerarka uu Ruushka ku hayo koofurta Ukraine iyo u ruuqaan-sigiisa magaalada ku taalla Badda Madow ee Odesa.

Haddii xaalku sidaasi yahay, culeyska bani’aadannimo wuxuu si toos ah ugu dhacayaa dalalka dhaca dhinaca koofurgalbeed ee xadka Ukraine, sida Moldova iyo Romania, ayay tiri sarkaaladdaasi Mareykanka ah. “Mar hore ayayba dalalkani soo dhaweeyeen hal milyan oo kusoo barabaxay dagaalka Putin – taasoo ah celcelis ahaan afar marka loo dhigo qaxootiga qeyb. Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay qaxootiga ayaa kor u dhaafay afar milyan.”

Moldova ayaa hadda martigelineysa ilaa 100,000 oo ah qaxooti ka yimid Ukraine.

Inti lagu guda jiray booqashadeedii, ayay Danjire Thomas-Greenfield ku dhawaaqday 50 milyan oo dollar oo dheeraad ah oo gargaar ah, si loogu caawiyo dowladda Moldova iyo shacabkeeda si ay wax uga tarto culeyska iyo saameynta uu ku yeeshay dagaalka wuxushnimada ah ee uu Ruushka ku hayo Ukraine.

Lacagtaasi waxay dheeraad ku tahay 30 milyan oo dollar oo gargaar bani’aadannimo ah oo ay dowladda Mareykanka siisay, taas oo jawaab u aheyd dadaallada Moldova ay waddo tan iyo 24-ki Febrayo.

“Dadka Moldova ayaa isu yimid si ay u soo dhaweeyaan qaxootiga Ukraine – kuwaas oo badankood ah dumar iyo carruur lagu qasbay in ay kasoo tagaan wax walba ee ay heysteen iyo dadki ay jeclaayeen si ay u ugu cararaan meel nabad ah,” ayay tiri Danjire Thomas-Greenfield mar ay si wada jir ah shir jaraa’id ula qabatay Ra’isulwasaaraha Moldova Natalia Gavrilita oo ay kula kulantay magaalada Chisinau.

“Soo dhawaantaada iyo deeqsinimadaada hadda waxaa laga wada bartay caalamka oo dhan...Dhammaan dadaalkaas, waxaa kugula jira saaxib ay ka go’antahay oo ah Mareykanka.”