Ballan-qaadyadii Hong Kong oo la buriyey

Tani waa faallo ka tarjumaysa aragtida Dowladda Mareykanka

25 sano ayaa laga joogaa markii Boqortooyada Ingiriiska ay maamulka Hong Kong ku wareejisay Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha.

Wareejintaas waxaa lagu sameeyay ballanqaad ay samaysay Beijing in muddo konton sano ah Hong Kong loo oggolaan doono madax-bannaani heer sare ah, iyo in dadka Hong Kong loo dammaanad qaadi doono xorriyaddooda aasaasiga ah.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda China waxay jebisay ballanteedii, waxay ceebaysay qaabkii lagu heshiiyay ee ahaa "Hal Degmo iyo Labo Nidaam" oo lagu dhisay Baaqa Wadajirka ah ee Shiinaha iyo Ingiriiska iyo Sharciga Aasaasiga ah.

Sida ay Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee Maraykanka Adrienne Watson ay ku sheegtay hadal ay ugu talagashay sanad guuradii 25-aad ee ka soo wareegtay xil wareejinta, “Waxaan goob joog ka nahay burburinta Hay'adaha dimuqraadiga ah ee Hong Kong iyo cadaadisyada aan horay loo arag ee lagu hayo garsoorka, cabudhinta tacliinta, dhaqanka iyo xorriyadda saxaafadda, iyo kala dirida qasabka ah ee kooxaha bulshada rayidka ah iyo xaruumaha warbaahinta. "

Sannadka 2019, malaayiin reer Hong Kong ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka mudaaharaadyo looga soo horjeeday billowday sharciga lagu magacaabo ‘sharciga isu-celinta’ ee muranka dhaliyay. Xukuumadda Beijing waxa ay ansixisay waxa loogu yeero Sharciga Amniga Qaranka, kaas oo marmarsiiyo u noqday in lagu cabudhiyo Hong Kong

"Mas'uuliyiinta ayaa xiray mucaaradka, iyadoo qaar badan oo ka mid ah ay xirnaayeen in ka badan hal sano," ayuu xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken sheegay. "Hogaamiyayaasha Shiinuhu waxay weerareen hay'adaha warbaahinta madaxa banaan, waxay xireen madxafyada waxayna meesha ka saareen shaqooyinkii guud ee fanka, iyaga oo wiiqay hay'adaha dimoqraadiyada, isla markaana waxay sabab u noqdeen dib u dhaca doorashooyinka waxayna dejiyeen dhaar daacadnimo oo qasab ah. . Waxaas oo dhan waxay sameeyeen iyaga oo dadaal ugu jira inay Hong Kong ka joojiyaan wixii loo ballan qaaday.

Qunsulka Guud ee Maraykanka u jooga Hong Kong iyo Macau Michael Hanscom Smith ayaa xusay in ficilada Beijing "ay gilgileen hay'adaha iyo dhaqamada saldhigga u ahaa kalsoonida caalamiga ah ee ay Hong Kong muddo dheer ku naaloonaysay."

Dadka ku nool Hong Kong ayaa cadaadis joogta ah la kulmaya, dhalinyaro xirfadleyaal ah ayaa ka cararaya magaalo xasilloonida iyo u hoggaansanaanta sharciga ay si degdeg ah u sii xumaanayaan. Qunsulka Guud Smith ayaa sheegay in saraakiisha Maraykanku ay fariin fudud u hayaan dhiggooda Hong Kong iyo xukuumadda Beijing fariintaasi oo ah: "Hong Kong ha noqoto Hong Kong."

Afhayeenka NSC Watson ayaa yidhi, "Waxaan ugu baaqaynaa xukuumadda Beijing inay u dhaqanto si waafaqsan waajibaadka caalamiga ah ee ay iyadu raalli ka tahay." Waxaana Mareykanku uu sii wadaa inuu ku baaqo in la sii daayo dadka sida xaq darada ah u xiran.