Taageerada Mareykanka ee dhibanayaasha daadadka Pakistan

Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Bilooyin ay roobab waa weyn oo aan hore taariiqda loogu arag ay ka da,ayeen ayaa waxay masiibo ka abuurtey dalka Pakistan. Dhowr gobol oo dalkaasi ah ayaa waxaa ka da’ay in ka badan 500 boqolkiiba roobabkii caadiga ahaa wuxuuna sababey daaddad waaweyn iyo dhulkii oo soo go’ay meelaha qaar.

Xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres ayaa yiri “dadka reer Pakistan waxay wajahayaan roobab duufaano wata oo xoog badan.”

Tan iyo bartamihii bishii Jun 33 million oo qof oo u dhiganta 15 boqolkiiba dadweynaha guud ahaan dalkaas ayey masiibadu saameysey, ku dhawaad 1,400 oo qof ayaa ku dhintey roobabkan iyo daadadka ay soo rogeen, 13,000 oo qof ayaa ku dhaawacmey magaalooyin iyo xaafado dhan ayey dhiiqada iyo roobabku duugeen.

Heyada gargaarka iyo horumarinta u qaabilsan Mareykanka ee USAID ayaa ku qiyaastey in hal milyan iyo bar guri ay waxyeelo soo gaartey ama ay bur bureen sidoo kale 753,000 oo xoolo ah taasoo ay inta badan dadkani ku tiirsanaayeen iyo cunadii keydka ayaa lagu waayey roobabkan iyo daadadkii ka dhashey, sidoo kale waxay waxyeelo soo gaartey wadooyinka iyo ceelashii ku yaaley dhul gaaraaya 800,000 oo hectares oo dhul beeraley ah.

Gobolada Balochistan, Khyber, Pakhtunkhwa, Punjab,iyo Sindh ayey waxyeelada ugu badani soo gaartey. Gobolka Sindh gaar ahaan daadadka ayaa ku rogmadey wabiga oo isna kaabadaha soo jabiyey kuna butaacay dhul beereed iyo daaqsinkii xoolaha waxaana uu saameeyey 62 mile oo biyo fariisin ah.

Daadadkan ayaa la filayaa in ay mustaqbalka sii socdaan sida ay sheegtey heyada caafimaadka aduunka ee WHO, tani macnaheedu waa in dhibaatadu ay sii xumaan doonaan uun, iyadoo gaajo iyo cuduro ay ka dhalan doonaan sida daacuunka Malaariyada, Dengue iyo shubanka.

Durba dadka ku nool goobaha ay daadadkani saameeyeen waxaay bilaabyaan in ay xanuunsadaan. In ka badan sedex million oo caruur ah iyo kumanaan dumar uur leh ayaa hada halis ku jira.

Sanadkan, dowlada Mareykanka waxay sii marsiisey USAID in ka badan 53 Million oo doolar oo lagu caawinaayo dadka ay masiibadu gaartey ee reer Pakistan waxaana ay USAID iyo heyadaha la shaeeya gaarsiinayaan dadka ku nool goobahan gargaarka aadka loogu baahan yahay sida cunada, nafaqada, lacago cadaan ah, biyo nadiif ah qalabka nadaafada iyo hoy.

USAID waxaa kale oo ay Pakistan gaarsiisey kooxda ka hortaga masiibada ee DART loo soo gaabiyo kuwaasoo qiimeynaya qasaraha sidoo kalena qiimeynaya sida aybaahiyuhu u kala horeynayaan sidoo kale waxay xiriirinayaan dowlada Pakistan iyo heyadaha gargaarka.

Mareykanku waxay si qotodheer uga murugoonayaan qasaraha nafeed, xoolo iyo nololeed ee Pakistan. Waxayna garab taagan yihiin dadka reer Pakistan xiligan adag.

Waxaana ay ugu baaqayaan saaxiibada iyo xulufadooda dunida iyo guudahaanbeesha caalamka in ay qalbiyadooda iyo keydadkooda lacageed u furan si ay uga caawiyaan dadka reer Pakistan in ay ka soo kabsadaan masiibadan.