Mareykanka iyo Jordan oo saxiixday heshiis is-afgarad

Tani waa faalo ka turjumeysa aragtida dowlada Mareykanka.

Mareykanka iyo Jordan ayaa dhawaan kala saxiixdey afar heshiis oo is fahan ah kuwaasoo ku saabsan wax wadaqabsi istaraatiijiyadeed. Qodobada gundhiga u ah waxaa ka mida in Mareykanku ay sanad walba siin doonaan kaalmo dibadeed oo gaareysa 1.45 Billion oo doolar todobada sano ee soo socota.

Heshiiskan ayaa waxaa uu taageerayaa isbedelo muhiim ah oo hormuud ay u tahay dowlada boqor Abdullah, waxaana isbedeladaas ka mid ah mid lagula xalinayo biya yaraanta ka jirta dalkaas iyo balaarinta fursadaha dhaqaalaha.

Xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka Antony Blinken ayaa heshiiskan ku tilmaamey mid ka mida heshiisyadii ugu saameynta badnaa ee noociisa ah, wuxuuna xusey in ay cadeyn u tahay sida ay Mareykanka uga go’an tahay xasiloonida Jordan.

Xoghaye Blinken ayaa intaas raaciyey in heshiiskan is-afgaradka ah uu yimid xili meel adag ay taagan tahay xaalada dowlada Jordan si ay u hirgeliso isbedel lagu sameynaayo wanaajinta dhaqqaalaha laguna balaarinaayo adeegyada bulshada.

Blinken ayaa sheegey in Jordan ay muujisey hogaamin cajiib ah gobolka dhexdiisa iyo caqabdaha dunida ka jiraba, sida in ay gabaad iyo hoyba siiyeen qaxootiga ka soo barakacay colaada gobolka ka jirta sida kuwii ugu danbeeyey ee ka soo qaxay Syria, kuwaasoo heley fursado ay dalkaas uga shaqeystaan waxna uga bartaan.

Blinken ayaa yiri “Iyadoo dowlada Jordan ay sii wado taageeradan muhiimka ah ee qaxootiga, Mareykankana waxay ku dhawaaqayaan in ay bixinayaan 756Million oo doolar oo dheeri ah oo kaalmo bani’aadanimo ah taasoo la siinayo qaxootiga reer Syria ee dhibaateysan oo ay ku jiraan kuwa Jordan jooga”.

Ciidamada Jordan ayaa mudo dheerba ay Mareykanka iska kaashan jireen la dagaalanka argagixisada, waxaana ay Jordan ka mid aheyd isbaheysigii caalamiga ahaa ee la dagaalamaayey ISIS, waxaa kale oo ay ciidamadoodu ka mid ahayaeen kuwa la dagaalama daroogada iyo kala gudbinteeda xuduuda waqooyi ee dalkaas.

Si ay Jordan uga gudubto caqabadahan waxa uu heshiiskan siinayaa dhaqaale lagu horumariyo laguna casriyeeyo milatariag dalkaas.

Waxaa kale oo uu heshiiskan Isfahan ee Mareykanka iyo Jordan muujinayaa danaha, xasiloonida, degenaanshiyaha iyo horumar uu gaaro gobolka Bariga Dhexe, iyo balan adag oo ah in lagu sii qotodheereeyo wax wada-qabsiga labada dowladood iyo dad si loo gaaro hadafkaas,