Mareykanka oo noqday dalkii ugu horreeyey ee qeyb ka noqda heshiiska nabadda Columbia ee 2016

Tani waa faallo ka tarjumaysa aragtida dawladda Maraykanka

Xoghayaha Arrimaha Debedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay in dalka Maraykanku uu aad ugu faraxsan yahay, inuu noqdo saaxiib kala shaqeeyay dalka Colombia iyo shacabkiisa, geeddi-socodkii nabadda.

Heshiiskii nabadeed ee ay gaadheen xukuumadda iyo mucaaradka hubaysan ee Colombia, sannadkii 2016 ayaa soo afjaray mid ka mida colaadihii ugu muddada dheeraa ee gobolkaas ka dhaca. Intii lagu guda jiray booqashadii dhowaan ee xoghayhe Blinken, ayuu ku sheegay in Maraykanku uu qaaday tallaabo kale oo lagu sugayo inay sii waarto nabadda dalka Colombia, isaga oo ka qayb qaadanaya Bayaanka Qowmiyadaha ee qaybta ka ahaa heshiiskii Nabadda ee 2016.

"Bayaankani wuxuu aqoonsan yahay, inaanay jiri karin nabad waarta, haddii aanay caddaalad iyo sinnaan helin, dadka Colombianka ah ee ka soo jeeda Afrika iyo dadka asalka ah, kuwaas oo ay si weyn u dhibaateeyeen colaadihii ka jiray dalkaas” ayuu yidhi xoghaye Blinken.

"In ka badan konton sano, waxaa la diiwaangeliyey in 38% dadka Afrika ka soo jeeda ee u dhashay Colombia iyo 27% dadka asalka ah, inay yihiin dadka dhibaatada ugu badani ay ka soo gaadhay colaadaha. Sannadkii 2017, waxaa la sheegay in ku dhowaad illaa hal milyan oo qof in si xoog ah loo barakiciyey. Qaar badan oo aan tiro iyo cadad lahayna, inay la kulmeen xadgudubyo kala duwan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, sida xasuuq, jidh-dil, waayitaan, dilitaan iyo xadgudubyo galmo. Inta badan dembiyadaas cidna looma ciqaabin.

Bayaanka Qowmiyadaha, ayaa dejinaya aragti nabadeed oo loo wad adhan yahay oo wax ka qabanaysa taariikhdan sinnaan la’aanta ah iyo weliba in la hubiyo xuquuqda dadka Colombian-ka ah ee ka soo jeeda qaaradda Afrika, iyo dadka asalka ahba, ayuu yidhi xoghaye Blinken.

Cutubka Qowmiyada ayaa dejiya aragti nabadeed loo wada dhan yahay oo wax ka qabanaysa taariikhdan sinnaan la'aanta iyo hubinta xuquuqda Afro-Colombians iyo dadka asaliga ah ee hore u socda, ayuu yidhi Xoghaye Blinken:

"Tan iyo markii aan taageernay hannaanka wada hadalka, waxaanu sidoo kale taageeraynay dedaalada dawladda Colombia ee ah, in la ilaaliyo bulshooyinka jilicsan, in la burburiyo dembiilayaasha abaabulan, taageeridda in baadhitaanno la sameeyo iyo in caddaaladda la horkeeno dembiilayaasha ku kacay rabshadaha iyo xad-gudubyada xuquuqda aadanaha. Guud ahaan, waxaan ku taageernay in ka badan $1 bilyan oo dollar, si aan gacan uga geysanno dedaalada ay hoggaaminayso dawladda Colombia ee ah, in la dhaqangeliyo heshiiska nabadeed.”

Sannadkii hore, hay’adda USAID, waxay daahfurtay barnaamij shan sano ah, oo ku kacaya illaa $60 milyan, si loo taageero sinnaanka dhaqaale, siyaasadeed iyo bulsho ee dalka Colombia – kaasoo noqonaya barnaamijka ugu ballaadhan dunida ee noociisa ah. Maraykanku wuxuu iskaashi la samaynayaa sagaal urur oo ay leeyihiin dadka Colombia u dhashay ee Afrika ka soo jeeda iyo weliba dadka asalka ah, si loo kobciyo isla markaana loo dhaqan geliyo, nabadaynta iyo dedaallada horumarineed ee waara.

In laga shaqeeyo sinnaantu, ma xoojinayso oo keliya aasaaska nabadda ee Colombia, hase ahaatee waxay sidoo kale kobcinaysaa dimoqraadiyadda dalka. Sababtoo ah, markasta oo bulshooyinku ay fursad siman u helaan, caddaaladda, horumarka iyo ammaanka, waxay faa’iido u noqonaysaa bulshad aoo dhan.

“Shaqada aan halkan u joogno ee ah inaan taageerno – sida Bayaanka Qowmiyadaha laftiisa – wuxuu ku suuro galay oo keliya, dhiiranaanta shacabka Colombia, kuwaas oo wax walba halis u geliyey si ay ugu dagaalamaan in la helo xuquuq siman.” Ayuu yidhi xoghaye Blinken. Maraykanku wuxuu ku faraxsan yahay inuu noqdo saaxiib qayb ka ah dedaalkan.