Kherson, Zaporizhzhya, Donetsk, iyo Luhansk waxay ka tirsan yihiin Ukraine

Tani waa faallo ka turjumaysa aragtida Dowladda Maraykanka.

Sebtembar 30keedii, madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin wuxuu ku dhawaaqay isku dayga Ruushka ee la wareegidda afar gobol oo Yukreeniyaan ah: Donetsk, Luhansk, Kherson, iyo Zaporizhzhya.

Midkoodna si buuxda uma hoos imanayn xukunka Ruushka. Ku dhawaaqida Putin ayaa daba socotay, been abuur lagu sheegay in afti laga qaaday in muwaadiniinta Ukraine ee ku nool meelahan
Ruushku waxa uu tijaabinayaa go'aanka adduunka si uu ugu tunto mabaadi'da asaasiga ah ee sharciga caalamiga ah ayay tiri safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield bartamihii bishii Oktoobar, intii lagu guda jiray Fadhiga Gaarka ah ee Golaha Guud ee

Qaramada Midoobay oo looga hadlayay duulaanka Ruushka ee Ukraine.
Danjire Thomas-Greenfield oo ka hadlaysay isku diyaarinta codeynta qaraarka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa dalalka ugu baaqaysa in aysan aqoonsan isku dayga Ruushka uu ku doonayo in uu ku darsado afartan gobol ee Ukraine, iyada oo sheegtay in ficillada Ruushku aanay meelna kaga jirin adduunkeenna casriga ah.

Qaraarkan ayaa waxaa ogolaaday 143 dal, 5 dal ayaa diiday, 35 dalna way ka aamuseen.

Sida ayAmbassador Thomas-Greenfield sheegtay, “Kherson waa Ukraine. Zaporizhzhya waa Ukraine. Donetsk waa Ukraine. Luhansk waa Ukraine. Ukraine-na waxay sii ahaanaysaa Ukraine. "