Ka hortagidda in teknoolajiyadda cusub loo adeegsado ujeeddooyin argagixiso

Faalladani waxay ka tarjameysaa aragtida Dowladda Mareykanka

In kasta oo ay jiraan dadaallo ballaaran oo ay sameeyeen dawladaha beesha caalamka, haddana argagixsada "halisteedu waa ay badbaaday oo runtii waa ay horumartay," Sidaasi waxaa looga dhawaaqay shirkii Guddiga La-dagaalanka Argagaxisada ee Qaramada Midoobay ee dhowaan ka dhacay magaalada Delhi ee dalka Hindiya.

Walaaca sii kordhaya ayaa ah adeegsiga tignoolajiyada cusub iyo kuwa soo baxaya ee ujeedooyinka argagixisada. Runtii, argagixisadu waxay ka faa'iidaysanaysaa aaladaha internetka si ay u dhistaan oo ay u ballaariyaan shabakadahooda, iyo si ay u helaan taageero saad iyo dhaqaale intaban.

Tani waxay si cad u soo shaacbaxday intii lagu jiray masiibada COVID-19, markii kooxaha argagixsada la sheegay inay ka faa'iidaysteen isticmaalka kororka ah ee baraha bulshada, oo ay ku jiraan dhallinyaradu, "si ay u faafiyaan dacaayaddooda iyo sheekooyinka qalloocan si ay u qortaan oo ay lacag ugu ururiyaan ujeeddooyin argagixiso."

Dadaal lagu doonayo in lagu sameeyo habab cusub oo looga hortago khatarahaas isa soo taraya, iyo in si wanaagsan la isugu duwo jawaabaha dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay, ayaa dhamaadkii bishii Oktoobar uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay yeeshay, kulan gaar ah kaas oo si gaar ah u dhexmaray Guddigiisa La-dagaalanka Argagixisada.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray saddex qodob oo kala ah: ka hortagga adeegsiga macluumaadka iyo tignoolajiyada isgaarsiinta ee ujeeddooyinka argagixisada; ka hortagga maalgelinta argagixisada, oo ay ku jiraan khataraha iyo fursadaha la xidiriira tignoolajiyada lacag-bixinta cusub iyo hababka lacag-ururinta; iyo adeegsiga nidaamyada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, oo ay ku jiraan kordhinta weerarada.

“Caalami ahaan, argagixisada iyo jilayaasha kale ee aan dawliga ahayn waxay adeegsadeen [Qalabka Hawada ee Dhulka laga hago] si ay u weeraraan kaabayaasha muhiimka ah, iyo xarumaha militariga iyo diblomaasiyadda. Waa inaan sii wadnaa inaan wadaagno dhaqamada ugu wanaagsan, anagoo ka duulayna dadaallada jira,” ayuu yiri Wakiilka Mareykanka ee Qaramada Midoobay Chris Lu.

Wuxuu xusay in inkastoo “hal-abuurka nidaamka internetka looga faa’iideestay tiro badan oo ka mid ah dadaallada wadajirka ah iyo danaha wadaagga ah, oo ay ku jiraan la dagaallanka argagixisada sii xoogeysaneysa, haddana adeegsiga internetka ee danaha argagixisada ayaa wali ah khatar weyn oo xujo ku ah dadaalka caalamiga ah ee ka dhanka ah argagixisa, ammaanka internetka iyo maamul-wanaagga qalabka digitalka.” Ayuu intaasi sii raaciyay.

"Maraykanku waxa uu sii wadi doonaa in uu si firfircoon uga hortago waxyaabaha argagixisanimada ah ee lasii marsiiyo internetka, iyada oo la ixtiraamayo xorriyadda hadalka si waafaqsan dastuurkeena iyo taageeradeenna dheer ee aan u hayno Internet sugan, furan, la aamini karo, la isku halayn karo, oo laga wada shaqayn karo," ayuu yiri danjire Lu.

“Waa inaan sii wadnaa inaan dhisno rabitaanka siyaasadeed iyo awoodaha dowladaha xubnaha ka ah si loo xoojiyo fulinta sharciga iyo nidaamyada garsoorka, wanaajinta wadaagga macluumaadka khataraha, xoojinta amniga xuduudaha, ka hortagga maalgelinta argagixisada, iyo xoojinta dadaallada ka hortagga argagixisada. Maraykanku wuxuu diyaar u yahay inuu iskaashi la yeesho Dawladaha kale ee xubnaha ka ah si kor loogu qaado xuquuqda aadanaha iyo ku dhaqanka sharciga iyo kobcinta hababka guud ee Qaramada Midoobay iyo bulshada oo dhan."