Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka
Maraykanku waxa uu si weyn uga xunyahay islamarkaana uga niyadjabsan yahay in maxkamad ku taala Turkigu ay duqii magaalada Istanbul Ekrem Imamoglu ku xukuntay laba sano iyo todoba bilood oo xabsi ah, iyadoo hadii la diido racfaankana xukunkani uu ka mamnuuci doono Imamoglu inuu qabto ama u tartamo xafiis siyaasadeed.
War uu soo saaray afhayeenka wasaarada arimahada dibada Maraykanka Ned Price ayaa uu ku idhi “xukunkiisu waa mid ka hor imanaya xishmada xuquuqda aadmaha, maba’dida xorriyadaha iyo ku dhaqanka sharciga”
Faransiiska, Jarmalka iyo baarlamaanka Yurub ayaa sidoo kale cambaareeyey xukunka Imamoglu, si lamid ah dhawr urur oo xuquuqda aadamaha ah.
Ekrem Imamoglu ma aha oo kaliya duqa magaalada Istanbul balse sidoo kale waa xubin kamid ah xisbiga siyaasada ee mucaaridka ah ee xisbiga jamhuriga ee shacabka, sidoo kalena waxa lagu waday inuu madaxtinimada u tartamo doorashooyinka 2023 ka dhacaya Turkey.
Dambiga loo maleegay Imamoglu ayaa ahaa ku tacadi masuuliyiin qaran kaasi oo la xidhiidhay hadal uu jeediyay sanadkii 2019-kii.
Price oo ah Afhayeenka wasaarada arimaha dibada ayaa sheegay in Maraykanku uu wali si xoogan uga warwarsan yahay sii socoshada cagajuglaynta dhinca garsoorka ee bulshada rayidka ah, warbaahinta, hogaamiyeyaasha siyaasada iyo ganacsiga ee Turkiga, arimahaasi oo ay ka mid yihiin xadhig xukun la’aan ah, in si weyn loo sheego in qofku uu taageero argagixisada iyo kiisas ciqaabeed bahdilaad ah”
Warbixintii xuquuqda aadamaha ee ugu danbaysay ee Turkiga, ayaa Maraykanku uu ku xusay “in garsoorku uu waajahay dhawr dhibaato oo xadiday madaxbanaanidii garsoorka, kuwaasi oo ay kamid yihiin eedo farogalin ah oo ay ku samayso waaxda fulintu. Iyadoo sidoo kale xustay in kormeerayaashu “ay muujiyeen dareen ah in natiijada qaar kamid ah xukunadu ay u muuqdeen kuwo la sii diyaariyey” islamarkaana ay jirtay xishmad la’aan hanaanka socda iyo ku tiirsanaanta cadaynta lagu kalsoon yahay.
Tacadiyada kale ee xuquuqda aadamaha waxa ka mid ah oo warbixintu ay sidoo kale xustay in “qabqabasho teel teel ah iyo sii socoshada iyo xadhiga tobanaan kun oo qof oo ay ku jiraan siyaasiyiin mucaarid ah iyo xubno hore baarlamaanka ugu tirsanaa, garyaqaano, suxufiyiin iyo dadka xuquuqda aadamaha u dhaqdhaqaaqa”
“Dadka Turkiga” ayaa uu afhayeenka wasaaradu uu warka uu saaraay ku sheegay inay “mudan yihiin awooda ay ku adeegsadaan xuquuqdooda aadamaha iyo xorriyadaha aasaasiga ah iyagoon ka cabsanayn in laga aargoosto.
Xuquuqda dabaqida xorriyada hadalka, in si nabad ah la isugu imaado ama kulmo ayaa ah mid uu damaanad qaaday dastuurka Turkigu, waana waajib shuruurcda caalamiga ah iyo balamaha OSCE, waxa aanu ku boorinaynaa xukuumadu inay joojiso dacwadaha dambiyada bahdilaada ah islamarkaana ay qadariso xuquuqaha iyo xorriyadaha dhamaan muwaadiniinta Turkiga oo ay ka mid tahay xaqiijinta deegaan u furan bulshadu inay ku doodo”