Biden oo ka hadlay mustaqbalka xiriirka Mareykanka iyo Japan

Tani waa faallo ka turjumeysa aragtida Dowladda Mareykanka.

Madaxweyne Joe Biden ayaa bishaan la kulmay ra’iisul wasaaraha Japan Kishida Fumio oo ay ka wada hadleen mustaqbalka xiriirka Mareykanka iyo Japan. War qoraal ah oo ay si wadajir ah u soo saareen labada hoggaamiye waxay dib u xaqiijiyeen inay ka go'an tahay Maraykanka iyo Japan "iskaashi aan horay loo arag" oo ku salaysan yoolka iyo mudnaanta labada dal ay wadaagaan. Sida uu sheegay madaxweyne Biden:

"Qiimaha dimuqraadiga ah ee la wadaago waa isha xooggayaga, isha isbahaysigayaga, iyo isha awoodeena ah inaan samatabbixino dhammaan dadkeena."

Marka laga soo tago xoojinta difaaca looga jiro mashaakilka sii kordhaya ee gobolka Indo-Pacific, bayaan wadajir ah oo ay labada dhinac soo saareen ayaa lagu lafo-guray qorshayaasha lagu xoojinayo awoodda labada waddan si ay ugu babac-dhigaan khatarta cusub ee soo baxaya.

Maraykanka iyo Japan ayaa kala saxiixday heshiis qaabdhismeedka iskaashiga hawada sare. Hadafkiisu waa "horumar cilmiyeed oo dheeraad ah iyo sahaminta bini’aadanka ee hawada sare," ayuu xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken ku yiri hadal uu soo saaray. "Si wadajir ah, waxaannu u horumarinay xudduudaha dadaalka aadanaha iyo aqoonta sayniska iyada oo loo marayo iskaashiyada - laga bilaabo abuurista Saldhigga Caalamiga ah ee Hawada ilaa horumarinta albaabka dayaxa, goob cilmi baaris ah oo ku wareegi doonta Dayaxa oo loo isticmaali doono diyaarinta hawlgallada mustaqbalka ee ilaa Mars."

Maraykanka iyo Japan waxa kale oo ay qorshaynayaan in ay horumariyaan amnigooda dhaqaale iyaga oo dhisaya adkeysiga silsiladaha sahayda si ay uga badbaadaan khataraha sida sandulleynta dhaqaalaha, siyaasadaha aan suuqa lahayn iyo masiibooyinka dabiiciga ah.

Intaa waxaa dheer, Japan iyo Maraykanku waa labada dhaqaale ee dimoqraadiga ah ee ugu weyn adduunka, bayaan wadajir ah ayay ku ballan qaadeen in la dhisayo dhaqaalaha caalamiga ah si loo gaaro sinnaanta jinsiga iyo caddaaladda, samaynta horumar waara oo lagu gaaro qiiqa oo eber laga dhigo, iyo "hagaajinta isuduwidda deynta si loo cafiyo deynta.”

Maraykanku waxa uu Japan u arkaa mid ka mid ah xulafadiisa ugu dhow, “oo dhawaan ay ka go’an tahay in lagu gaadho nabad iyo barwaaqo, kaliya maahan ereyadayada laakiin iyada oo loo marayo ficilladeena.”