Waa in la ilaaliyaa xoriyadda saxaafadda ee Guatemala

Tani waa faallo ka tarjumaysa aragtida dowladda Mareykanka.

Mareykanka wuxuu aad uga walaacsan yahay warbixinnada ku saabsan amar maxkamadeed oo lagu baarayo sagaal saxafi oo reer Guatemala ah oo lagu eedeeyay inay carqaladeynayaan caddaaladda.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka Ned Price ayaa arrintan ku xusay ku warmurtiyeed uu soo saaray.

Shakhsiyaadkan ayaa waxaa ku jira saxafiyiin ka tirsan Wargeysa El Periódico iyo agaasimahooda oo lagu magacaabo José Rubén Zamora, kaas oo lagu hayay xabsiga tan iyo bishii July 2022.

Waxay ahayd tillaabadii ugu dambeysay ee ay dowladda Guatemala qaado oo ka dhan ah El Periódico, oo ah wargeyska caanka ku ah warbixinta baaritaanka iyo dabagalka saraakiisha dadweynaha iyo musuqmaasuqa dowladda.

Bishii Disembar, garsooraha ayaa amar ku bixiyay in Zamora la soo taago maxkamad isagoo lagu eedeyay lacago la dhaqay, saameyn ku yeelasho ganacsi iyo been abuur.

Dhegeysigii Febraayo, garsooraha Maxakamadda oo fulinaya codsi ka yimid dacwad oogaha lagu magacaabo Cinthya Monterroso oo ka tirsan Xafiiska Xeer Ilaalinta Guatemala, ayaa amar ku bixiyay in baaritaan lagu sameeyo saxafiyiinta iyo qorayaasha wargeyska El Periódico oo qayb ka ah kiis cusub oo dambi ah oo ka dhan ah Zamora.

Waxay ku eedaysay wariyeyaashan inay hor istaageen cadaaladda iyagoo ku dhaleeceeyay xafiiska xeer ilaalinta ficillada ka dhanka ah Zamora oo aysan ka run sheegin eedeymaha loo haysto.

Mario Recinos, oo ah madaxa Ururka saxafiyiinta Guatemalan, ayaa yiri "waxaan aragnaa xuquuqdooda oo sii xumaaneysa."

"Dastuurku wuxuu dhigayaa in dhaleeceynta saraakiisha aysan ahayn dambi," ayuu yidhi. "Waxayna sidoo kale ilaalisaa xorriyadda saxaafadda iyo ra'yiga."

Guddiga Badbaadinta Saxafiyiinta ayaa ku biiray baaqa ah in si degdeg ah loo joojiyo baaritaan kasta oo lagu sameeyo qorayaasha iyo shaqaalaha El Periódico iyo dacwad kasta oo kale oo lagu soo oogo madaxweynahooda José Ruben Zamora.

Carlos Martinez de la Serna, oo ah maamulaha barnaamijka CPJ ee magaalada New York, ayaa yiri,

“Bartilmaameedka maamulka ee shaqaalaha daabacaadda ka dib markii Zamora lagua xiray eedeymo maaliyadeed oo shaki leh, waa isku day cad oo ay sameeyeen dacwad oogayaasha si ay u cabsi geliyaan una dhibaateeyaan xarun baaris iyo saxafiyiin si hagar la’aan ah ugu shaqeynaya soo bandhiga musuqmaasuqa.”

"In la helo Bulsho nabad ah, barwaaqo ah oo loo dhan yahay waxay ku xiran tahay socodka xorta ah ee macluumaadka iyo fikradaha, oo ay ku jirto xorriyadda raadinta, helitaanka, iyo bixinta macluumaadka online iyo offline labadaba," ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka Price.

"Dhibaatooyinka shaqada suxufiyiinta iyo bulshada rayidka ah waxay wiiqaysaa hab-dhaqanka dimuqraadiga iyo ixtiraamka xorriyadda hadalka."

Afhayeenka ayaa ku booriyay nidaamka cadaalada ee Guatemala inuu diido dambi ka dhigista shaqada saxafiyiinta madaxa banana isagoo xusay in warbaahinta madaxa bannaan ay ay tahay mid ka mid ah aasaaska bulsho dimoqraadi ah oo ammaan ah oo barwaaqo ah.