Sare u qaadidda xuquuqaha iyo sharafta dadka Kuuriyada Waqooyi

Tani waa faallo ka tarjumeyysa aragtida dawladda Mareykanka

Maraykanku waxa uu mudnaan siinayaa ilaalinta xuquuqul insaanka oo ah tiir udub dhexaadka siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka. Si gacan looga geysto gaarista yoolkan, Mareykanka iyo Albania waxay si wadajir ah u marti-galiyeen kulanka QM ee ee qaacidada Arria- si loogu soo jiito tacaddiyada xuquuqda aadanaha ee joogtada ah iyo baahsan ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kuuriya, ama Kuuriyada Woqooyi.
Kulanka, Wakiilka Joogtada ah ee Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield ayaa munaqashootay sida nidaamka Kim Jong Un uu asal ahaan u caburinayo dadka Kuuriyada Waqooyi xuquuqdooda xorriyadda hadalka, diinta, iyo dhaqdhaqaaqa, gudaha iyo dibadda DPRK.

Dabeecadahani waa kuwo aad u fool xun oo xadgudub ku ah Baaqa Caalamiga ah ee xuquuqda Aadanaha.”

Ka hadlida cadaalad daradan ka jirta Kuuriyada Woqooyi waxay keeni kartaa in loo diro xabsiyo siyaasadeed. DPRK waxay ku sii haysaa 80,000 ilaa 120,000 qof oo ku jira xeryahan.

Maxaabiista ayaa lagula kacaa xadgudubyo kale oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha sida gaajo, jirdil, xadgudubyo ku saleysan jinsiga, iyo xaalado ka baxsan bini'aadantinimada, ayuu yiri danjire Thomas-Greenfield.
Arria Joseph Kim, oo ka soo goostay Kuuriyada Waqooyi, ayaa ka sheekeeyay khibradiisa ku noolaanshaha DPRK ka hor inta uusan soo baxsan.

Waxaan arkay aabahay oo gaajo u dhintay anigoo 12 jir ah
Hooyaday waxaan ku waayay xabsi ku yaal Kuuriyada Waqooyi, sidaas darteed waxaan ka ka tegay qoys jacaylkii oo aan hoy la'aan noqday."

Markhaatiyada noocan oo kale ah "waxay wax u iftiimineeysaa adduunka, ayuu xusay danjire Thomas-Greenfield. Waxaa jira sheekooyin aan la tirin karin oo weligeeyn maqli doonin oo anan arki doonin abid iftiinka maalinta.

Kuuriyada Woqooyi “waxa ay samaysaa wax kasta oo ay awoodo si ay gabood-faladeeda uga qariso caalamka,” ayuu yidhi danjire Thomas-Greenfield. “Laakin waqti iyo mar kale, waa ay ku guuldareysteen

Dhammaanteen waan aragnay caddaynta, oo ay ku jiraan warbixinta guddiga baaritaanka ee Qaramada Midoobay, iyo qaar badan tan iyo, DPRK ee nidaamka, baahsanaanta iyo xadgudubyada xuquuqul insaanka ee guud. "Waan sii wadi doonaa inaan ka hadalno xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee DPRK iyo khatarta nabadda caalamiga ah," ayay tiri Linda Thomas-Greenfield. "Waxa laga yaabaa inay awoodaan inay xidhaan codadka dadka DPRK, laakiin ma xidhi karaan codadkayaga."