Tani waa fallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka
Maraykanku waxa uu cambaaraynayaa xariga iyo xukunka xaq darada ah ee PRC ay ku riday laba difaace oo xuquuqda aadanaha ah oo caan ah. 10-kii Abriil, maxkamad ku taal gobolka Shandong ayaa Xu Zhiyong ku xukuntay 14 sano oo xarig ah iyo Ding Jiaxi oo 12 sano ah, waayo sida ku xigeenka afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka Vedant Patel uu qoray, " waa in ay taageerto ku-dhaqanka xorriyadaha aasaasiga ah ee caalamku aqoonsan yahay, sida xorriyadda isu imaatinka iyo hadalka.”
Xu iyo Ding labaduba waa la xiray hadda ka hor. Labada qareenba waxay door muhiim ah ka ciyaareen Dhaqdhaqaaqa Muwaadiniinta Cusub, oo bilaabmay 2010 waxayna u ololeeyeen muwaadiniinta caadiga ah inay adeegsadaan xuquuqdooda aasaasiga ah ee aadanaha; dhamaadka musuqmaasuqa; iyo helitaanka waxbarasho ee dhammaan carruurta. Ding waxa la xiray intii u dhaxaysay 2013 ilaa 2016, Xu 2014 ilaa 2018. Boqollaal qareeno kale oo lala xiriiriyay Dhaqdhaqaaqa ayaa la xiray qaar badana waa laga joojiyay hawlgalkii ahaa difaacayaasha xuquuqal insaanka ee bilaabmay ka dib markii Xi Jinping uu xoojiyay awoodiisa oo uu madaxweyne noqday 2013-kii
Ka dib markii xabsiga laga sii daayay, Xu iyo Ding labaduba mar kale la xiray ka dib kulan gaar ah oo ay isugu yimaadeen qareeno iyo hawlwadeennada bulshada rayidka ah 2019-kii.
Ku-xigeenka afhayeenka maamulaha ee Maraykanka Patel ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri, “Waxa aanu ku boorinaynaa PRC in ay si deg-deg ah oo shuruud la’aan ah u sii daayaan labadan difaace ee xuquuqal insaanka ee xiran oo ay joojiyaan dhibaataynta xubnaha qoyskooda. Waxaan si la mid ah ugu baaqaynaa PRC inay sii deyso kuwa kale ee sida xaq-darrada ah loo qabtay ama u xiran, si loo soo celiyo qareennada sida xaq-darrada ah looga joojiyay howshooda, iyo inay u oggolaato dhammaan shakhsiyaadka inay isticmaalaan xorriyaddooda aasaasiga ah. dowladda Mareykanka, ayuu ku dhawaaqay, “in ay had iyo jeer la garab istaagi doonaan shaqsiyaadka geesiyaasha ah ee ku jira PRC iyo adduunka oo dhan ee difaaca xuquuqda aadanaha.”