Ugu dambeyn caddaalad ayaa looga dhaqaaqay Libya

Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Dagaalka sokeeye ee Liibiya wuxuu ka bilowday banaanbaxyo looga soo horjeedo dowladda oo curtay Banqaazi. Dowladda Liibiya dibadbaxyada kaga hortagtay awood ciidan, in ka badan laba toddobaad ka dib, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa xaaladda dalkaas u gudbiyay Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee Hague.

Iyada oo taas laga ambaqaadayo, ICC waxay awood u leedahay inay qaaddo dacwadaha ka dhanka ah bini'aadminimada iyo dembiyada dagaal ee laga geystay Liibiya, laga soo bilaabo 15-ka Febraayo 2011-kii.

Shaki kuma jiro in 12kii sano ee xigay, Liibiya dhex-dabbaalaneysay xaalad amni darro ah. Dagaalku wuxuu dhammaaday Oktoobar 2011-kii, laakiin mid kale ayaa billowday saddex sano ka dib. Iyaga oo ka faa’ideysanaya qalalaasaha, argagixisadu waxay isku dayeen inay halkaasi ka howlgalaan iyadoo qabqablayaasha dagaalku ay kala qaybiyeen dalka, iyagoo ku dagaallamaya dhul iyo xarumo shidaal. Waxaa dhexda u galay rabshadahaas dad rayid ah. Dhanka kale, Magafayaasha ayaa billaabay in ay ugaarsadaan qaxootiga ka imaanaya wadamada deriska ah ee u socda dekedaha Liibiya ee ku yaal Badda Mediterranean-ka, iyagoo rajeynaya fursad ay ugu gudbaan Yurub.

Sidaa darteed la yaab ma leh in booqashadii dhowaan [Maarso] ee Hawlgalka Xaqiiqo Raadinta Madaxa Banaan ee Qaramada Midoobay ee Liibiya uu daboolka ka rogay "dambiyo dagaal oo baahsan iyo gabood-fal ka dhan ah aadanaha" oo lagula kacay Liibiyaanka iyo muhaajiriinta, dambiyadaas oo kala ah "caburinta kooxaha rayidka ah, xarig aan sabab lahayn, dil, kufsi, adoonsi, toogasho sharci darro ah iyo afduub.”

Iyada oo laga amba-qaadayo xogtan gacanta lagu hayo, ICC waxa ay ugu dambayntii awood u yeelatay in ay soo saarto amaro cusub oo lagu soo xidhayo eedeysaneyaasha iyada oo sidoo kalena xareysay kuwo kale oo dheeraad ah.

"Howsha ICC ee Liibiya waxay kaalin muhiim ah oo lagu taageerayo raadinta wadajirka ah ee isla-xisaabtanka, nabadda, iyo amniga," ayuu yiri Mark Simonoff, Lataliyaha Sharciga ee Mareykanka ee Qaramada Midoobay.

“Hawlaha baaritaannada iyo iskaashiga ee uu qabtay Xafiiska Xeer-ilaalinta, waxay dhidibada u taageen isla xisaabtanka iyada oo ay wajahayaan caqabadaha joogtada ah ee Liibiya iyo jawi shaqo oo adag."

"Xallinta hubanti la'aanta siyaasadeed iyo kor u qaadista isla xisaabtanka Liibiya waxay wax badan ka tari doontaa wax ka qabashada xasillooni darrada daba dheeraatay ee Liibiya," ayuu intaasi raaciyay Simonoff.

"xadgudubyada iyo gaboo-fallada xuquuqul insaanku way sii socon doonaan haddii aan tillaabooyin macno leh la qaadin si wax looga qabto xasillooni darrada daba dheeraatay ee Liibiya. Tallaabada muhiimka ah ee loo qaaday dhinaca nabadda iyo xasilloonida waa ka bixitaanka dhammaan kooxaha hubaysan iyo calooshood u shaqeystayaasha Liibiya iyada oo aan dib loo dhigin.”

"Dadka Liibiya waxay mudan yihiin xasillooni iyo cadaalad," ayuu yiri Mr. Simonoff, isaga oo intaasi ku daray "waxaan taageereynaa dadaalka maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada si ay gacan uga geysato sidii cadaalad loogu heli lahaa dadka Liibiya."