QM waa inay ka wada shaqeysaa ka hortagga weerarada Internet-ka

Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida Dowladda Mareykanka

Dunida oo dhan waxaa sii kordhay kaabayaasha muhiimka ah iyo agabka kale ee halista ugu jira weerrada burcadda internetka ee sida daran ugu howlan carqaladaynta ama burburinta.

Hanjabaadaha internetku kama imanayaan oo kali ah burcadda aan cidna la shaqeyn ee sidoo kale waxaa jira kuwa ka imanaya dowladaha.

Bilihii u horreeyey ee duullaanka sabab la’aanta ah ee ka dhanka ah Ukraine ayuu Ruushku beegsaday shabkadda korantada ee Ukraine iyo isgaarsiinta dalkaasi.

Weerar dhinaca internetka ah oo ay Iran sanadkii hore ku qaadday Albania ayaa baabi’iyey xogtii dowladda, waxaana uu hakiyay adeegyo badan oo dadweyne.

Kooxaha xiriirka la leh dowladda Shiinaha ayaa ku kacay weerarro dhinaca internetka ah iyo hawlo kale oo bahalnimo ah.

Weerarrada internetka ee ay qaaddo Kuuriyada Waqooyi oo ah kuwa aan kala sooc laheyn ayaa saameyn ku yeeshay kaabayaasha muhiimka ah ee in ka badan 150 dal.

“Waxa aan u baahannahay in aan kor u qaadno faham la wadaago oo ku aadan sharciyada iyo xeerarka lagu dabaqayo internetka, iyo gaar ahaan qaabeynta habdhaqan lagula xisaabtamayo ficillada dalalka ee dhinaca internetka,” ayay tiri Danjiraha Mareykanka u fadhisa Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield.

Barnaamijka Waxqabadka Internetka ee Qaramada Midoobay ee loo soo gaabiyo POA, kaasi oo oo dowladaha xubnaha ka ah QM ay si weyn u taageereen dayrtii la soo dhaafay, ayaa noqon doona guddi joogto ah oo diiradda saaraya hirgelinta heshiiska iyo in la dhiso awoodda dowladaha ee dhinaca internetka.

“Waa in aan si degdeg ah u sii wadnaa wadahadalkeenna ku saabsan aasaaska POA.”

“Waxa aan rajeyneynaa in aan la shaqeyno dhammaan dowladaha xubnaha ka ah [QM] si aan u xaqiijino yoolka aan wadaagno ee ah internet furan, ammaan ah oo xasilloon oo aan dhammaanteen ka faa’iideysanno.”