Tani waa faallo ka turjumaysay aragtida dowadda Maraykanka
Tan iyo markii uu xukunka qabtay 1979, taliska Iran wuxuu ku lug lahaa dilal qorsheysan, shirqoollo argagixiso iyo weeraro argagixiso oo ka dhacay in ka badan 40 wadan.
Iran waxay ku hawlanayd shirqooladan iyada oo adeegsanaysa Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah, IRGC, iyo hawlgaladeeda oo ay u adeegsato maleeshiyada Qods Force.
Sannadkii 2019, Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay IRGC u magacawday urur argagixiso shisheeye, ama FTO. Waaxda Maaliyadda ee Mareykanka ayaa u magacawday IRGC Qods Force, IRCG-QF, sidii argagaxiso sanadkii 2007.
"Maraykanka waxa ka go'an in uu kashifo oo uu carqaladeeyo shirqoollada ay maleegayaan ilaalada kacaanka Islaamiga ah ee Iran si ay rabshado uga fuliyaan dibadda," ayuu xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken ku yidhi hadal uu soo saaray.
1-dii Juunyo, Xoghaye Blinken wuxuu ku dhawaaqay in Mareykanku uu magacaabayo shan xubnood oo xiriir la leh IRGC iyo IRGC-QF, "kuwaas oo ka qaybqaatay shirqoollo dibadda ah oo taxane ah ama ku lug lahaa beegsiga masuuliyiintii hore ee dawladda Maraykanka, muwaadiniinta ajnabiga ah iyo Mucaarad Iiraaniyiin ah oo dibadda ah.” Sidoo kale waxaa loo magacaabay shirkad diyaaradeed oo uu leeyahay mid ka mid ah shaqsiyaadka la magacaabay.
Dadka la cunaqabateeyey waxaa ka mid ah Shahram Poursafi iyo Mohammad Reza Ansari. War qoraal ah oo ay soo saartay waaxda maaliyadda ayaa lagu sheegay in Poursafi uu yahay muwaadin Iiraani ah oo uu weheliyo hawl-wadeenkii Qods Force ee muddada dheer Ansari isaga oo "qorsheeyay oo isku dayay in uu dilo laba sarkaal oo hore uga tirsanaa dawladda Maraykanka." Bishii Agoosto 2022, Poursafi waxaa ku soo oogtay Waaxda Cadaaladda inuu masuul ka yahay isku day shirqool dil heer qaran ah. Ansari ayaa sidoo kale loo magacaabay sababtoo ah ku lug lahaanshiyaha sirta iyo howlgallada ee ka dhanka ah mucaaradka Iran iyo dadka kale ee aan u dhalan Iran ee ku sugan Mareykanka, Bariga Dhexe, Yurub, iyo Afrika.
Hossein Hafez Amini, oo haysta laba dhalasho oo Irani iyo Turki ah, fadhigiisuna yahay dalka Turkiye, ayaa la cunaqabateeyey, sababtoo ah waxa uu xidhiidhkiisa u adeegsadaa warshadaha duulista iyo shirkadiisa Rey Airlines, si uu u caawiyo hawlgallada qarsoon ee Ciidanka Qods, oo ay ku jiraan afduub iyo shirqoollo lagu bartilmaameedsanayo Iiraaniyiinta iyo Rabshado ka dhacay Turkiga.
Labo qof oo kale oo la cunaqabateeyey ayaa kala ah Madaxii hore ee IRGC-IO Counterespionage, Rouhallah Bazghandi, iyo Madaxa Sirdoonka Dibadda ee IRGC Reza Seraj.
Xoghaye Blinken ayaa yiri, "Falalka maanta waxay muujinayaan in Mareykanku uu sii wadi doono soo bandhigida iyo carqaladeynta dhaqdhaqaaqyada argagixisada ee nidaamka iyo dadaalka uu ku doonayo inuu ku aamusiyo codadka ka soo horjeeda."