Mareykanka iyo Shiinaha oo dib u billaabay wada-hadallo sare

Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Maraykanku wuxuu aaminsan yahay in gobolka Indo-Pacific uu muhiim u yahay amniga iyo barwaaqada aan wadaagno. Waxa kale oo aan qarsoonayn sida ay nooga go’an tahay ilaalinta iyo difaaca xulafadeenna. Waa sababta, labadii sano iyo bar ee la soo dhaafay.

"Mareykanku uu u qaaday tallaabooyin istiraatijiyadeed oo xiriir ah oo ku qotonta- gudaha iyo dibaddaba - si loo xoojiyo waddankeenna iyo mawqifkeenna adduunka," ayuu yiri xoghayaha arrimaha dibadda, Antony Blinken.

"Taasi waa asalka xiriirka ka dhexeeya Mareykanka iyo Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha - mid ka mid ah kuwa ugu saameynta badan adduunka."

Mareykanka iyo Shiinaha waxaa saaran waajib ah inay si mas'uuliyad ku jirto u maareeyaan xiriirkan. In sidaas la sameeyo waxay u adeegtaa danaha ugu wanaagsan ee Mareykanka, Shiinaha, iyo adduunka. Waxaan si cad u aragnaa caqabadaha ay keentay PRC.

Maraykanku wuxuu horumarin doonaa himilada mustaqbalka ee aan la wadaagno dalal kale oo badan: adduun xor ah, furfuran, xasilloon, iyo barwaaqo leh dalal ilaalinaya oo cusboonaysiinaya nidaamka ku saleysan qawaaniinta kaasoo sannado badan ilaalinayay nabadda iyo amniga adduunka oo dhan.

Xiriirka u dhexeeya Maraykanka iyo PRC ayaa bilihii la soo dhaafay ahaa mid aad u kacsan, iyadoo buufinno militari oo Shiinuhu leeyahay ay soo galeen hawada Mareykanka, kuwaas oo ay soo riden militariga Mareykanka. Si loo qaabeeyo mustaqbalka, loona yareeyo xurgufta labada dal, waa inaan ku bilownaa diblomaasiyad, ayuu yiri Xoghaye Blinken.

"Waxaan u imid Beijing si aan u xoojiyo caqabadaha heerka sare ah ee isgaarsiinta, si aan u caddeeyo mawqifyadayada iyo ujeedooyinka meelaha aan isku khilaafsannahay, iyo in aan sahamiyo meelaha aan ka wada shaqeyn karno marka danaheennu ay isku waafaqaan inaan si wada jir ah uga gudubno caqabadaha”.

"Ka-qaybgal toos ah iyo xiriir joogto ah oo heerar sare ah ayaa ah habka ugu wanaagsan ee si mas'uuliyadi ku jirto loo maareeyo kala duwanaanshiyahayaga lana hubiyo in tartanku aanu u noqon mid khilaafeed. Waxaana sidaas oo kale ka maqlay saaxiibadeenna Shiinaha. Labadeennuba waxaan ku heshiinay baahida loo qabo xasilinta xiriirkeena.”

"Ma hayno wax khiyaali ah oo ku saabsan caqabadaha maaraynta xiriirkan. Waxaa jira arrimo badan oo aan si qoto dheer uga doodno, xitaa haddeynu si adag u khilaafsannahay. Waxaan mar walba qaadi doonnaa tallaabada ugu wanaagsan si aan u horumarino danaha dadka Mareykanka,” ayuu yiri Xoghaye Blinken.

Laakiin Maraykanku waxa uu leeyahay taariikh dheer oo si guul leh u maareynaya cilaaqaadka adag, xiriirka ka dhalan kara iyada oo loo marayo hab diblomaasiyad. Waa mas'uuliyadda labada waddan inay helaan waddo hore loo marayo - waana mid ku jirta danteenna iyo danaha adduunka labadaba, inaan sidaas samayno."