Lama gaarin xilligii nabad-ilaaliyayaasha QM ee ka tegi lahaayeen DRC

Tani waa faallo ka turjumaysa aragtida dowladda Maraykanka

Intii uu socday Shirkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu dhawaan ka yeeshay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, ayaa Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Afrika Martha Pobee waxay ka digtay in xaaladda ammaan ee DRC ay sii xumaatay.

Bilihii ugu dambeeyay oo kaliya, boqolaal qof ayaa waxaa dilay kooxo hubeysan.

Ms. Probee ayaa sheegtay in, ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee MONUSCO, ay sii wadaan "inay sameeyaan wax kasta oo suurtagal ah si ay u gutaan waajibaadkooda ah ilaalinta rayidka."

MONUSCO waxay ku sugnayd DRC tan iyo 1999-kii, waxaana xilka loo cusboonaysiiyay bishii Diseembar ee la soo dhaafay iyada oo ujeedadu ahayd in ciidanka ay ka baxaan DRC. Si kastaba ha ahaatee, bilihii la soo dhaafay, dowladda DRC ayaa kordhisay baaqyada ku aaddan in MONUSCO ay dalka isaga baxdo doorashada kaddib ila qorsheeyay December 2023.

Wakiilka Maraykanka u qaabilsan arrimaha siyaasadda gaarka ah ee UN Robert Wood ayaa walaac ka muujiyay baaqyadaas.

Dhibaatada bini'aadantinimo, ayuu danjire Wood xusay in ay sidoo kale ka sii darayso rabshadaha sii socda, "taas oo keentay in hal milyan oo qof ay gudaha ku barokacaan, isla markaana ay bataan falalka Kufsiga , iyada oo jiraan rabshado - iyo dhibaato aad u weyn oo bini'aadmi ah."

"Si wax looga qabto xaaladdan degdegga ah, DRC iyo dalalka ku yaalla Harooyinka Waaweyn waxay u baahan yihiin rabitaan siyaasadeed, ballan-qaad wada-hadal, iyo rabitaan ah in la sameeyo go'aamo adag oo la raaco dib-u-habaynta loo baahan yahay waxay sidoo kale u baahan yihiin joogitaanka MONUSCO."

Danjire Wood ayaa carabka ku adkeeyay in Mareykanka ay ka go’an tahay xaqiijinta in MONUSCO ay gudan karto waajibaadkeeda ku aadan ilaalinta rayidka iyo xoojinta hay’adaha dowladnimada, cadaaladda, iyo amniga ee muhiimka ah. "Si hadafku u guuleysto, waxay mudan tahay taageerada Golahan iyo tan dawladda DRC. Dadka DRC waxay mudan yihiin nabad,” ayuu yiri danjire Wood.

"Mareykanku wuxuu ku garab taagan yahay raadinta mustaqbal wanaagsan."