Waa Faallo ka turjumaysa aragtida dowladda Maraykanka
Lix iyo toban bilood ka dib markii uu Ruushku ku duulay Ukraine, "dilka, burburka iyo silica ayaa halkaas ka sii socda, rajada nabaddana waxay ahaanaysaa mid aad u liidata," sida ay sheegtay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Rosemary DiCarlo.
"Weerarada naxariis darada ah ee Ruushka ayaa ka dhigay malaayiin guri oo ku yaal Ukraine iftiin la'aan, dhaxan iyo biyo la'aan," ayay tiri wakiilka Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Linda Thomas-Greenfield.
"Weerarradii ugu dambeeyay ee ka dhacay Kherson waxaa ku dhintay dad rayid ah, oo ay ku jiraan shaqaalaha gargaarka oo gargaar u fidinaya kuwa ka cararay fatahaadda ka dib burburkii biya xireenka Kakhovka."
"Moscow waxay si cad u sabab ugu tahay walaac qoto dheer oo ku saabsan weerarrada lagu hayo kaabayaasha muhiimka ah," ayay sheegtay danjire Thomas-Greenfield. "Laakin munaafaqnimada Ruushka ayaa soo shaacbaxaysa markaan aragno gantaalada Ruushka iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee qorshohoodu yahay dhammaan magaalooyinka Ukraine inay burburaan."
"In ka badan 140 dal ayaa si isdaba joog ah u codeeyay inay cambaareeyaan duullaanka Ruushka. In ka badan 140 dal ayaa u codeeyay inay taageeraan nabad waarta oo cadaalad ah, oo ka dhacda Ukraine oo ku salaysan mabaadi’da Qaramada Midoobay,” ayuu yidhi danjire Thomas-Greenfield. "Ruushka ma muujin wax xiiso macno leh oo ku saabsan wada xaajoodka nabadda."
"Gardarrada Moscow waxay halis gelin doontaa dal kasta” sida ay sheegtay Ambassador Thomas-Greenfield. "Waa inaan waligood u ogolaan dagaal inuu noqdo waddo macquul ah oo dib loogu habeynayo xuduudaha caalamiga ah… waana inaan sii wadnaa inaan garab istaagno dadka Ukraine."