Tani waa faalo ka turjumaysa aragtida dawladda Maraykanka
Shirkii NATO ee dhawaan ka dhacay Lithuania, Madaxweyne Joe Biden wuxuu ku booriyay xubnaha isbahaysigu inay " qaataan ruuxiyad midaysan, ujeedo guud, go'aanka aan ku muujinaynay jawaabtayada gardarrada Ruushka ee Ukraine oo aan keenno saaxiibo badan oo aan sii wadno inaan dhisno aduunka aan rabno inaan ku noolaanno."
Waxaan haysanaa waxa aan doorano, ayuu yidhi Madaxweyne Biden:
“kala doorashada u dhaxaysa duni lagu qeexay cadaadis iyo shiqool, iyadoo laga yaabo inay saxdo, ama adduun aan u aqoonsanno in guusheenu ay ku xidhan tahay guusha kuwa kale.
Madaxweyne Biden wuxuu sheegay inuu diiradda saaray dib u soo nooleynta xulafada Mareykanka ee adduunka:
"Sannadihii la soo dhaafay, waxaan u soo qaadnay Iskaashiga Transatlantic-ga meel sare, annagoo xaqiijinayna muhiimadda xidhiidhka u dhexeeya Yurub iyo Mareykanka oo tiir-dhexaad u ah xasilloonida caalamka. Fikradda ah in Maraykanku uu barwaaqoobi karo Yurub la'aanteed ammaan ah maaha mid macquul ah.
Maraykanku waxa kale oo uu sii xoojiyey isbahaysigiisa Indo-Pacific ee Japan, Jamhuuriyadda Kuuriya, Australia, iyo Filibiin.
Iyada oo loo marayo iskaashiga Quad, oo ay ku jiraan Australia, India, Japan, iyo Mareykanka - "waxaan keenaynaa dimuqraadiyado shilis gobolka si aan isaga kaashano, in aan Indo-Pacific ka dhigno mid xor ah oo furfuran, barwaaqo ah, islamrkaana ammaan ah," ayuu yidhi Madaxweyne Biden.
Madaxweyne Biden wuxuu ku booriyay in la dhiso isbahaysi ballaadhan "si loo xoojiyo oo loo difaaco. . .Nidaamka caalamiga ah ee ku dhisan sharciga:
"Waa inaan isu nimaadnaa si aan u ilaalino xuquuqda iyo xorriyadaha hoos u dhigaya qulqulka fikradaha iyo ganacsiga, kuwaas oo suurtageliyay kobaca caalamiga ah tobanaan sano. Haa, madaxbanaanida dhuleed iyo haybada, laakiin sidoo kale mabaadi'da ay ka midka yihiin xoriyada socodka iyo duulista hawada, ilaalinta baddeena iyo cirkeena aan wadaagno si ay umad kastaa u si siman u hesho garoonkeena caalamiga ah.
"Waxaan taaganahay meel isbedel ah," ayuu yidhi madaxweyne Biden, ". . .halka doorashooyinka aan hadda samayno ay qaabayn doonaan jihada adduunkeena tobanaan sano ee soo socda."
"Waxaan aaminsanahay taas. . Waddamada ka wada shaqeeya qadiyad guud,” ayuu ku dhawaaqay Madaxweyne Biden, "waxaan hubin karnaa aragtida aan wadaagno iyo xorriyadda aan qaddarineyno ma ah oo keliya ereyo madhan oo waqti adag ah, laakiin waa khariidad" mustaqbalka aan gaadhi karno haddii aan wada shaqeyno.