Rabshado kasoo cusboonaaday Mali xilli ay baxeen ciidamada MINUSMA

Mali United Nations Withdrawal

Mali United Nations Withdrawal

Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Marfeykanka.

Go'aanka ay xukuumadda ku meel gaarka ah ee Mali ku xirayso Hawlgalka Xasilinta Isku-dhafka ah ee Qaramada Midoobay ee Mali, ama MINUSMA, ayaa durba kiciyay rabshado kasoo cusboonaaday dhulka, ayay tiri safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield:

"Waxaanu ka walaacsannahay colaadda dib uga soo cusboonaatay waqooyiga Mali, oo ay ku jiraan ku xadgudubka xabbad-joojinta intii lagu jiray iskahorimaadyadii 11-kii iyo 12-kii Agoosto ee ka dhacay Xerada Ber iyo weerarradii xigay ee lagu qaaday kolonyada MINUSMA 13-kii Agoosto. Intaa waxaa dheer, ka bixitaanka MINUSMA waxay xaddidaysaa awoodda beesha caalamka si ay uga ilaaliso dadka rayidka ah ugaarsiga Wagner, kuwaas oo hawlahooda ay gacan ka geystaan ammaan-darrada weyn ee dalka.

Danjire Thomas-Greenfield ayaa u mahadcelisay ragga iyo dumarka MINUSMA, iyo ciidamada- iyo kuwa booliiska ee ka socda dalalka sida ay uga go'an tahay nabad ka dhalata Mali oo ay wajahayaan khatar weyn.

“Waxaanan si adag u cambaaraynaynaa weerarrada macna-darrada ah ee lagu qaadayo nabad-ilaalinta, kuwaas oo khatar gelinaya horumarka sannadaha soo socda ee nabadda iyo xasilloonida - oo meesha ka saaraya guulo badan oo la taaban karo oo ay gaareen Qaramada Midoobay iyo Mali.”

Dadka reer Mali waxay mudan yihiin nabad, ayay ku dhawaaqday Ambassador Thomas-Greenfield. "Xasilooni la'aantuna waxay albaabada u furi doontaa JNIM iyo ISIS-Sahel si ay u faafiyaan galaangalkooda iyo saameyntooda. Waxay noqon lahayd waddo musiibo.”

Dawladda ku-meel-gaarka ah ee Mali iyo kooxaha hubaysan ee saxiixay, oo ay weheliyaan Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka, waa in ay muujiyaan ka go'naanta dib-u-soo-nooleynta ee heshiiskii Algiers, ayey ku boorrisay danjire Thomas-Greenfield:

"Heshiiskani wuxuu sii wadaa inuu u tagan yahay fursadda ugu wanaagsan ee nabad waarta iyo xasiloonida Mali. Mid cad oo fudud. Si taas loo gaaro, waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada saxiixay inay si degdeg ah u cusboonaysiiyaan wada-shaqeyntooda dhexdhexaadinta caalamiga ah.

Maraykanku waxa uu ku boorinayaa dhinacyada in ay wada hadal ku dhameeyaan khilaafkooda oo ay MINUSMA kala hadlaan heshiis ku saabsan in xeryahooda iyo saldhigyadooda loogu wareejiyo maamulka Mali si nabad ah oo amaan ah. Mar haddii xaaladdu ay sii xumaanayso, wareejintaasi waa in ay mudnaanta siisaa badqabka iyo badbaadada nabad ilaalinta.

Danjire Thomas-Greenfield waxa ay xasuusisay maamullada kala guurka ah in Xaaladda Heshiska Ciidamada – iyo qodobadiisa lagu xaqiijinayo in MINUSMA xorriyadda dhaqdhaqaaqa guud ahaan Mali – uu si buuxda u dhaqan galayo illaa qaybta ugu dambeysa ee howlgalka uu ka baxayo, kaas oo socon doona wixii ka dambeeya 31-ka December.

Hogaamiyayaasha Mali waxay heystaan fursad ay ku dhistaan dhaxalka MINUSMA oo ay dib ugu heshiiyaan wadahadal si loo xaliyo khilaafaadka halkii ay ka ahaan lahaayeen rabshado. Danjire Thomas-Greenfield ayaa ku boorisay dhammaan dadka reer Mali inay doortaan waddada nabadda.