Ka hor-tagga argagixisada caalamiga ah

Linda Thomas-Greenfiel

Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Mareykanka waxaa ka go'an inuu horumariyo cadaaladda iyo la xisaabtanka dhammaan falalka xadgudubyada galmada ee la xiriira iskahorimaadka.

Bishii Juun, Maraykanku wuxuu u cararbaabay laba hoggaamiye oo Daacish ah inay yihiin Argagixiso caalami ah oo si gaar ah loogu asteeyay.

Labada qofba waxay geysteen xadgudub galmo oo ka dhan ah Yezidis-ka waxayna mas'uul ka ahaayeen afduubka iyo addoonsiga haweenka iyo gabdhaha Yezidiga ah.

Linda Thomas-Greenfield, safiirka Mareykanka ee QM ayaa tiri “Magacaabidda labadan shaqsi waxay ahayd fal taariikhi ah, taasoo calaamad u ah markii ugu horreysay oo diiradda la saaray xad-gudubyada galmada ee la xiriira iskahorimaadka taasoo keentay in lagu soo rogo cunaqabateynada Mareykanka.”

Danjire Thomas-Greenfield ayaa ku boorisay dowladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay in ay kordhiyaan dhaqaalaha ay siiyaan hay’adaha Qaramada Midoobay iyo la-hawlgalayaasha ka shaqeeya bixinta adeegyada dadka ka badbaaday xadgudubyada ku saleysan jinsiga.

Mareykanka ayaa si gaar ah diiradda u saaray khatarta argagixisada ee sii kordheysa ee Afrika oo dhan.

Linda Thomas-Greenfield “Maraykanku waxa uu sii wadaa in uu siiyo saaxiibadeena Afrikaanka ah caawimada muhiimka ah ee carqaladaynta iyo hoos u dhigista Daacish xiriirkana la leh al-Qaacida – si waafaqsan sharciga caalamiga ah.”

Koonfurta Aasiya, Afgaanistaan waa in ay u diiddaa gabaad nabdoon kooxaha argagixisada kuwaas oo sii wata hamiga ah in ay fuliyaan weeraro, waxayna sheegteen weerarro lagu hoobtay oo ka dhacay Afgaanistaan iyo Pakistan labadaba. Beesha caalamku waa in aanay ka daalin ilaalinta ay ku hayso la dagaalanka argagixisada.