Aragtida Mareykanka ee nidaamka cusub ee dunida

Blinken

Tani waa faallo ka tarjumaysa aragtida dawladda Maraykanka.

Xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka oo hadal ka jeedinayey Jaamacadda Johns Hopkins ayaa sheegay in tobanaan sano oo xasilooni siyaasadeed ahi inay abuurtay fursado lagula tartamo quwadaha keli-talisyada ah.

Xoghayaha ayaa tusaale u soo qaatay duullaanka gardarada ah ee Ruushku uu ku qaaday Ukraine iyo dedaalada uu Shiinuhu ugu jiro inuu dib u qaabeeyo nidaamka caalamiga ah, isaga oo adeegsanaya koboca dhaqaalihiisa, milaterigiisa, diblomaasiyaddiisa iyo awooddiisa farsamada casriga ah.

“Maraykanku wuxuu xilligan muhiimka ah, ku hoggaaminayaa, meel xooggan, oo saldhigeedu yahay is-dhul dhigidda iyo kalsoonideena. Is-dhul-dhigidu, [waxay muhiim u tahay] sababtoo ah, waxaa jira caqabado aan cidna keligeed wax ka qaban Karin, sidoo kalena waxaan u baahanahay inaan kasbanno kalsoonida dalalka iyo muwadiniintooda, kuwaas oo nidaamkii hore ee caalamiga ahaa uu ku guuldaraystay inuu u fuliyo ballanqaadyo badan”.

Aragtida dawladda Maraykanka ee mustaqbalku waxay tahay, in la helo, duni furan, xor ah, barwaaqo ah isla markaana ammaan ah ayuu yidhi xoghaye Blinken.

"Aragtidaasi maaha mid Ameerika oo keliya ku kooban, hase ahaatee waa rajada dadka ku nool qaran kasta oo ku yaalla qaarad kasta. Duni ay shakhsiyaadku xor u yihiin nolol maalmeedkooda, isla markaana ay qaabayn karaan mustaqbalkooda, kan bulshadooda, iyo kan dalalkooda. Duni uu dal waliba dooran karo jidkiisa iyo saaxiibadiis. Duni ay aragtiyaha, alaabada iyo dadweynuhuba ay si xor ah oo sharci ah, isaga kala gudbi karaan, xuduudaha, badaha, cirka iyo internerka. Iyada oo loo adeegsanayo farsamada casriga ah in lagu awoodeeyo bulshada, hase ahaatee aan loo isticmaalin in lagu kala qaybiyo ama lagu cabudhiyo.”

Maraykanka waxa uu dabada ka riixayaa dhaqaale caalami ah oo aan lagu qeexi karin oo keliya tartanka, furfurnaanta iyo daahfurnaantiisa, hase ahaatee lagu tilmaansan karo, tirada dadka wadaagay kobociisa, ayuu sii raaciyey xoghaye Blinken.

"Duni abuurta tartan heersare ah oo waafaqsan heerarka shaqaalaha iyo deegaanka,caafimaadka, waxbarashada, kaabayaasha, farsamada casriga ah, ammaanka iyo fursadaha kala duwan. Duni, uu sharciga caalamiga ahi yahay mabaadi’da aasaasiga ah ee axdiga Qaramada Midoobay, oo ay tahay in la dhawro, iyada oo xuquuqda aadanaha ee caalmiga ahi ay tahay in la ixtiraamo.”

Maraykanku wuxuu weli aamisan yahay in maalgashiga dalalka kale iyo bulshooyinka kale, inaanu ahayn mid u adeegaya oo keliya bini’aadantinimada, balse sidoo kalena uu u adeegayo daneheena.