Tallaabo loo qaaday sii-daynta Mareykanka sida sharci-darrada ah ugu xiran Iran

Iran, US Complete Prisoner Swap

Iran, US Complete Prisoner Swap

Tani waa faallo ka tarjumaysa aragtida dawladda Maraykanka

Maraykanku waxay qaadeen tallaabo muhiim ah oo ku aaddan, sidii loo soo dayn lahaa muwaadiniinta Maraykanka ee sida xaqdarrada ah loogu xidhay dalka Iran, dalkoodana dib loogu soo celin lahaa.

Bishan September 11-keedii, waxaa xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka Antony Blinken uu ku wargeliyey golaha Congresska, inuu saxiixay amar xayiraadda lagaga qaadayo lacag dhan $6 billion oo dollar oo ay leedahay dawladda Iran, si loogu fududeeyo in loo wareejiyo lacagtaas oo ku xannibnayd Jamhuuriyadda Kuuriya.

Lacagahan ayaa ugu dambayn loo wareejin doonaa akawno ku yaalla dalka Qatar, halkaas oo ay dawladda Iran ay awood u yeelan doonto inay lacagahaas u isticmalaan hawlo bini’aadantinimo oo keliya.

Wasaaradda arrimaha debedda ayaa sheegtay in wareejinta lacagahani “inay muhiim u yihiin sii daynta shan muwaadin oo u dhashay dalka Maraykanka, oo lagu xidhay dalka Iran” sidoo kale waxaa dawladda Maraykanku “ay ogolaatay in la sii daayo shan muwaadin oo u dhashay dalka Iran, kuwaas oo haatan ku xidhan gudaha Maraykanka”.

Matthew Miller oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanka ayaa sheegay in amarka lagu fasaxayo lacagaha Iran inay muhiim ahayd sababtoo ah, “waxaa jira bangiyo aan doonayn inay ku lug yeeshaan xisaabahan” Wuxuu intaas ku daray “in haatan lagu guda jiro in lacagaha loo wareejiyo, halka loo wado oo ah bangiyo ku yaalla Qatar”

“Marka lacagahani soo gaadhaan bangiyada ku yaalla Qatar, waxaa si adag dusha ugala socon doonta wasaaradda maaliyadda ee Maraykanka, waxaana lacagtan loo isticmaali doonaa oo keliya hawli bini’aadanimo, waanuna ka feejiganahay inaanu la socono sida loo kharash-garaynayo iyada oo aan leenahay awoodaha aan markale ku xayiri karno haddii loo baahdo”.

John Kirby, oo ah isu-duwaha dhinaca isgaadhsiinta istareetejiga ah ee golaha amniga qaranka ee Maraykanka ayaa ku nuuxnuuxsaday in lacagahan ay leedahay Iran, “isla markaana ay tahay in shacabka Iran ay ka faa’iidaystaan, balse aanu ka faa’iidaysan maamulku”.

Kirby ayaa sheegtay in siyaasadda Maraykanka ee ku aaddan Iran iyo maamulkeedu inaanay waxba iska bedelin.

"Waanu sii wadi doonaa inaanu ka hortagno xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee uu ku kacayo maamulka Iran. Waxaanu sii wadi doonaa inaanu ka hortagno tallaabooyinkooda qaska ah ee ay debedda ka wadaan, taageerada ay u fidiyaan argagixisada, weerarada ay ku qaadaan maraakiibta maraysa gacanka, iyo taageeradooda joogtada ah ee ay fidiyaan duulaanka Ruushka ee ka dhanka ah Ukraine”.

Kirby ayaa sheegay in “si dib loogu soo celiyo muwaadiniinta Maraykanku, ay u baahnayd go’aano, kuwaas oo mararka qaarkood qadhaadh” isaga oo intaas ku daray “inaanay wax raalli gelin ah ka bixinayn, tallaabooyinka ay u qaadeen sidii ay xabsiga uga sii dayn lahaayeen shanta muwaadin ee Maraykanka ah, sida ugu dhakhsaha badan”.