Mid ka mid ah dadka ugu caansan ee u dhaqdhaqaaqa deegaanka 00 lagu xiray Vietnam

Nhà hoạt động môi trường Hoàng Thị Minh Hồng. Ảnh: changevn.org

Nhà hoạt động môi trường Hoàng Thị Minh Hồng. Ảnh: changevn.org

Ma ayyan qaadan waqti dheer in maxkamad ku taal Ho Chi Minh ay ku xukuntay saddex sano oo xarig ah Hoang Thi Minh Hung oo caan ah oo u dhaqdhaqaada deegaanka Vietnam. Maxkamad kooban oo hal maalin qaadatay kadib, aasaasihii NGO-ga Change VN ee hadda xiran, taas oo diiradda saareysay khatarta wasakhowga, ka ganacsiga duurjoogta iyo isbeddelka cimilada, ayaa noqotay qofkii shanaad ee u dhaqdhaqaaqa deegaanka ee lagu xukumo xabsi Vietnam labadii sano ee ugu dambeysay.

Hong ayaa lagu eedeyay inay lunsatay canshuur. Change VN ayaa la xiray Oktoobar 2022, ka dib markii dowladda Vietnam ay xirtay dad kale oo u dhaqdhaqaaqa deegaanka oo ay ku soo oogtay dambi la mid ah.

Markii Hung la xiray bishii Maarso, Xafiiska Wakiilka Sare ee Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay wuxuu yiri: "Saameynta qaboojinta ee kiisaska noocan oo kale ah ee lagu keeno sharciyada canshuuraha waa mid cad oo ka dhex jira bulshada rayidka ah ee Vietnam, waxayna halis u tahay inay carqaladeyso doodaha ku saabsan arrimaha muhiimka u ah bulshada Guud ahaan."

"Maraykanku waxa uu aad uga walaacsan yahay xukunka iyo saddex sano oo xarig ah oo lagu xukumay qof caan ah oo u dhaqdhaqaaqa deegaanka iyo hoggaamiyaha NGO-ga Hoang Thi Minh Hung," ayuu yiri afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Matthew Miller

"Waxaan ugu baaqeynaa dowladda Vietnam in ay hubiso in sharcigeeda canshuuraha loo hirgeliyay si hufan oo dhexdhexaad ah oo hubinaysa awoodda NGO-yada inay ku shaqeeyaan iyaga oo aan ka baqin bartilmaameed ama dacwad aan sabab lahayn." ayuu raaciyay.

Deegaanku maaha xubnaha kaliya ee bulshada rayidka ah ee Vietnam ee ay dawladdu beegsanayso. Warbixintii ugu dambeysay ee ay soo saartay wasaarada arimaha dibada ee Vietnam ayaa lagu qiyaasay in ay jiraan in ka badan 170 maxbuus siyaasadeed iyo hawl wadeeno ku xiran Vietnam, oo ay ku jiraan saxafiyiin, aqoonyahano, xubno ka tirsan bulshada diimaha, iyo sidoo kale muwaadiniinta shakhsiga ah ee fulinaya "xuquuqda bini'aadamka ee caalamku aqoonsan yahay, sida xoriyada ee ra'yi dhiibashada, shir nabadeed, iyo urur."

Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Miller ayaa yiri, “Waxaan ku celineynaa baaqayada Vietnam in ay sii deyso dhammaan kuwa sida xaq darada ah u xiran iyo in ay ixtiraamto xuquuqda xorriyatul qawlka iyo isu-ururinta dhammaan dadka Vietnam. ... Waxaan sidoo kale ku boorineynaa Vietnam inay hubiso in ficilladeeda ay waafaqsan yihiin qodobbada xuquuqda aadanaha ee dastuurka Vietnam iyo ballanqaadyadeeda caalamiga ah, oo ay ku jiraan inay la tashadaan daneeyayaasha aan dawliga ahayn iyada oo qayb ka ah Iskaashiga Ku-meel-gaarka ah ee Tamarta (JETP).

"Hoggaamiyeyaasha NGO-yada sida Hoang Thi Minh Hong," ayuu yidhi Afhayeen Miller, "waxay door muhiim ah ka ciyaaraan wax ka qabashada caqabadaha caalamiga ah, soo jeedinta xalal waara ee dagaalka caalamiga ah ee ka dhanka ah dhibaatooyinka cimilada, iyo la dagaallanka duur-joogta iyo ka ganacsiga alwaaxa."

Tani waxay aheyd faallo ka turjumeysa aragtida dowladda Mareykanka.