Doorashooyin dhalanteed ah oo ka dhacay Syria

Syria Election

Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida Dowladda Mareykanka:

15-kii Luulyo, rajiimka Suuriya waxa uu qabtay doorashooyin baarlamaani ah. Si la mid ah saddexdii doorasho ee hore oo ay qabatay xukuumadda Asad tan iyo bilowgii dagaalka sokeeye ee Suuriya ee 2011-kii, natiijada waxa ay ahayd mid hore loo sii go'aamiyay, codaynta ayaa loola jeeday in lagu helo sharciyad dhalanteed ah iyo in gacanta lagu hayo dal ay dagaalladu aafeeyeen, laakiin xitaa ma jirin doonis ku aadan isbeddel siyaasadeed oo nidaamsan oo loo maro maamul la aamini karo, loo dhan yahay iyo mid aan kooxeysneyn, sida uu dhigayo Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2254.

“Waxaan dhaleecaynaynaa doorashadii been abuurka ahayd ee baarlamaanka ee la qabtay 15-kii Luulyo taasi oo uu soo agaasimay taliska Suuriya,” ayuu yiri Wakiilka Mareykanka ee Qaramada Midboobay ee qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Gaarka ah Robert Wood.

“Waxan loogu yeero doorasho ayaa waxaa ka maqnaa xataa wax uun xornimo ama xaqnimo ah; Waxa kaliya oo ay ahayd shaambad lagu sii wadayo kaligii-talisnimada Bashaar al-Assad. Ma ahan in dalna uu ku sirmo hannaankan been abuurka ah; dadka reer Suuriya xaqiiqdii may sirmin”.

“Aan caddeyno: Mareykanku ma soo celin doono xiriirka dublumaasiyadeed ee nidaamka Suuriya mana qaadayo cunaqabataynta inta ay maqan tahay xal siyaasadeed oo dhab ah oo waara,” ayuu yiri Danjire Wood.

“Cunaqabataynta Maraykanku waa hab muhiim ah oo lagu kordhinayo cadaadiska isla-xisaabtanka xukuumadda Assad, gaar ahaan marka la eego rikoorkeeda daran ee xadgudubyada xuquuqul insaanka iyo xad-gudubyada loo geysto shacabka reer Suuriya.”

“Waxaa si aan leexleexad lahayn nooga go’an in aan sare u qaadno la-xisaabtanka kuwa mas’uulka ka ah gabood-fallada Suuriya, iyo caddaalad ay helaan dhibanayaasha. Iyadoo uusan jirin isla-xisaabtan, dadka Suuriya waligood ma heli doonaan xasillooni, cadaalad, iyo nabad waarta,” ayuu yiri Danjire Wood.

“Cunaqabataynta Maraykanka ee ka dhanka ah nidaamka Suuriya ma ahan, aan ku celiyo- ma ahan- kuwa bartilmaameedsada badeecadaha bini'aadantinimo, oo ay ku jiraan dawooyinka, sahayda caafimaadka, iyo cuntada ee reer Suuriya. Barnaamijkeena cunaqabataynta Suuriya waxa uu bixiyaa oggolaansho, ka dhaafid, iyo shatiyada guud ee gargaarka bini'aadantinimo.”

“Waxa laga joogaa 13 sano tan iyo markii uu bilaabmay kacdoonka Suuriya, nidaamkuna waxa uu sii wadaa in uu isticmaalo rabshadaha si uu u caburiyo dalabaadka nabadeed ee sharciga ah ee dadweynaha ay ku doonayaan xorriyad iyo dimuqraadiyad,” ayuu yiri Danjire Wood.

“Doorashooyinka Suuriya waa in ay ahaadaan kuwo xor ah, cadaalad ah, daah-furan loona dhan yahay, sida uu ku baaqayo Qaraarka 2254. Ma sharciyayn doono wax-is-daba-marin doorasho oo loogu talagalay in lagu abuuro sharciyad maran iyo xaalad caadi ah.”

Taasi waxa ay ahayd faallo ka tarjumaysa aragtida dowladda Mareykanka.