Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka:
“Dhowrkii sano ee la soo dhaafay, Mareykanka iyo ASEAN [Ururka qaramada Koonfur-bari Aasiya] waxa ay u dhaqaaqeen in ay si firfircoon xididdada ugu duugaan una sii ballaariyaan xiriirkooda,” ayuu Xoghayaha Arrimaha Dibedda Antony Blinken kaga dhawaaqay shirkii wasiirrada boostada ee ASEAN oo dhowaan ka dhacay Laos.
“Waxa aan sare u qaadnay xiriirkeenna oo aan ka dhignay iskaashi istaraatiijiyadeed oo dhameystiran, waxaana sare u qaadnay shaqadayada arrimaha dhijitaalka ah, amniga internetka, caafimaadka, deegaanka iyo cimilada, tamarta, gaadiidka, xoojinta haweenka - dhammaan annagoo dib u adkeyneyna dadaallada dheer ee arrimaha dibadda, dhaqaalaha, iyo difaaca.”
Iskaashiga ASEAN ayaa ku dhisan qiyamka guud iyo aragtida la wadaago ee gobolka Indo-Pacific oo furan, xor ah, barwaaqo ah, ammaan ah, isku xirnaan, iyo adkaysi leh, ayuu bidhaamiyay xoghaye Blinken “Waxaa si qoto dheer nooga go'an udub dhexaadnimada ASEAN,” ayuu ku nuuxnuuxsaday.
“Tani waxa ay la macno tahay in aan sii wadi doono la shaqaynta ASEAN si aan wax uga qabanno caqabadaha ugu waaweyn, annagoo ka faaiidaysaneyna waxa aan u aragno fursadaha aan xadidneyn. Xiriirkeenna ganacsi iyo dhaqaale waa mid aad u adag, oo leh ganacsi laba-geesood ah iyo maalgelin taageeraysa shaqo abuurka halkan Koonfur-bari Aasiya iyo Maraykankaba, kor u qaadista mustaqbalka dhaqaale ee ganacsiyada iyo shaqaalaha Maraykanka iyo ASEAN. Maraykanku aad buu ugu hanweyn yahay in uu yahay isha koowaad ee maalgashiga tooska ah ee dalalka gobolka ASEAN oo dhan.”
ASEAN waxa kale oo ay u baahan tahay in ay si wada jir ah uga wada hadasho caqabadaha hortaagan aragtida la wadaago, ayuu yidhi Xoghaye Blinken:
“Haddii ay ahaan lahayd duullaanka sharci darrada ah ee Ruushka ee Ukraine, hubka nukliyeerka ee DPRK (Kuuriyada Waqooyi) iyo barnaamijyada gantaalaha ballistic-ka, dhibaatada joogtada ah ee murugada leh ee Burma, ama ficillada sii kordhaya ee sharci-darrada ah ee PRC (Shiinaha) ee ka dhanka ah Philippines (Filibiin) ee Badda Koonfurta Shiinaha kuwaasi oo dhacayay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay. Haddaba, waxa aan ku faraxsannahay in aan ogaanno sida guusha leh ee maanta loogu soo celiyay Second Thomas Shoal, taasi oo ka dhalatay heshiis ay wada gaareen Filibiin iyo Shiinaha. Waan ku bogaadinaynaa taasi, waxaanna rajeyneynaa oo aan fileynaa in aan aragno in ay halkaasi ka sii socoto.”
Maraykanku waxa uu rajaynaya in uu iskaashi adag la sameeyo ASEAN xitaa mid kan ka sii xoog badan oo “ka shaqeeya [wax ka qabashada] arrimaha ugu adag ee waqtigeenna, gaar ahaan kuwa saamaynta tooska ah ku leh nolosha dhammaan muwaadiniintayada,” ayuu yiri Xoghaye Blinken. “Halkan waxaan joognaa innaago muwaadiniinteenna wakiil ka ah, ujeeddada iskaashiganina waa in uu iyaga waxtar u leeyahay.”
Taasi waa faallo ka turjumeysa aragtida dowladda Mareykanka