La-dagaalanka fayruska Mpox

Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Mpox, oo hore loogu yiqiin furuqa daanyeerka, waa cudur fayras ah oo ku baahsan Bartamaha iyo Galbeedka Afrika. Waa zoonotic, oo macneheedu yahay in uu ku dhex faafi karo xoolaha iyo dadka. Waxa uu ku fidaa marka uu jirku is-taabto.
Waxaa jira laba nooc oo faracyada fayraska ah, Clade I iyo Clade II. Faraca Clade II ayaa sababa qandho aan darneyn oo badi dadka cudurka qaadaa ay ka bogsadaan daawo la’aan.

Hase ahaatee, faraca kale ee Clade I, ayaa aad u daran. Waxa uu leeyahay heerka dhimashada oo ah 3 ilaa 4 boqolkiiba, laakiin waxaa la ogaaday in uu dilo ilaa 10 boqolkiiba dadka uu soo ritto.
Faafitaanka Mpox II ee dunida oo dhan ayaa bilaabmay 2022-kii, isagoo socda ilaa maanta. Horraantii sanadkan, nooc cusub oo dilaa ah oo ah Mpox I ayaa ka dillaacay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo.

Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa 14-kii August ku dhawaaqay in cudurka Mpok I, gaar ahaan dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo (DRC) uu yahay xaalad degdeg ah oo heer caalami ah. Kiisas badan oo noocyada cusub ee cudurka ah ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhacay dad ay ku jiraan carruur iyo dad waaweyn oo ku nool in ka badan 12 dal, oo ay ka mid yihiin Burundi, Kenya, Rwanda iyo Uganda, kuwaasi oo dhammaantood deris la ah DRC.

Fayraska MPox ayay isku qoys yihiin cudurka busbuska (smallpox), waxaana la ogaaday in tallaalada busbuska ay waxtar u leeyihiin furuqa daanyeerka (Mpok I). Tani waxa ay ka dhigan tahay in dadka waaweyn, gaar ahaan kuwa ka weyn da’da 50 sano jirka ee laga tallaalay busbuska ay yeelan karaan xoogaa difaac ah. Laakiin taasi ma quseyso carruurta iyo dhallinyarada, kuwaasi oo ah da’da ugu badan ee dadka ku nool Afrikada Saxaraha ka hooseeysa.

Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa qiyaasaya in lacag dhan 15 milyan oo doollar loo baahan doono si loo bilaabo dadaalka lagula dagaallamayo Mpox. Maraykanka ayaa kaalin muuqata ka qaadanaya. 20-kii bishii August, dawladda Mareykanku waxa ay ku dhawaaqday in iyadoo la sii marinayo hay’adda USAID, ay ku biirin doonto $35 milyan oo gargaar caafimaad oo degdeg ah si loo xoojiyo dadaallada wax ka qabashada faafitaanka cudurka Mpox I. Ballanqaadkan cusub ayaa ka dhigaya wadarta guud ee jawaabta dawladda Maraykanku ka bixisay xakameynta cudurka Mpok I in ka badan $55 milyan.

Iyadoo qayb ka ah xirmadan, Jmahuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo (DRC), oo ah dalka uu cudurku sida ba'an u saameeyay, ayaa heli doonta 50,000 oo qiyaasood oo ah tallaalka Jynneos Mpox ah, iyo sidoo kale agab lagu taageerayo u diyaargarowga iyo gaarsiinta tallaalka.

Mareykanka waxaa ka go’an in jawaab dhameystiran oo dowladeysan laga bixiyo cudurkan sii faafaya, waxaanna ugu baaqaynaa deeq-bixiyeyaasha kale in ay nagula soo biiraan dadaalladan muhiimka ah.