Sida loo hormariyo nabad-ilaalinta QM

Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Maraykanku waxa uu rumaysan yahay in Qaramada Midoobay ay tahay in ay wanaajiso qaabkeeda nabad ilaalinta, ayuu yiri Danjire Robert Wood, oo ah ergeyga Maraykanka u qaabilsan Arrimaha Siyaasadda.

Nabad ilaalintu waxa ay caddeysay in ay wax ku ool u tahay ilaalinta rayidka, taageeridda heshiisyada nabadda, xoojinta awoodda dawladaha mas'uulka ah ee martida loo yahay, iyo ka hortagga soo noqoshada colaadaha, ayuu yiri Danjire Wood.

“Waxaan sii wadeynaa in aan aaminno habkan waxaanan sii wadi doonnaa taageerada howlgallada hadda iyo kuwa cusub ee ay dalalku ka qaybgalayaan, sida ugu habboon. Islamar ahaantaana, waa in aan sidoo kale sahminno moodooyinka kale ee looga baahan karo xaaladaha kala duwan. Xaaladaha qaarkood, howlaha loo igmaday oo diiradda saara ujeeddooyin aad u gaar ah oo xaddidan, ayaa laga yaabaa in ay ku habboonaato macnaha howlgalka, taasi oo ku guulaysan karta in taageero ballaaran looga helo Golaha.”

Xaaladaha qaarkood, waxaa laga yaabaa in ay waxtar badan keeneyso in Midowga Afrika ama urur goboleed uu hoggaamiyo howlgalka. Qaraarka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay 2719 ee dhawaan la ansixiyay waxa uu siinayaa “hab ay Qaramada Midoobay ku taageerto hawlgallada taageerada nabadda ee Midowga Afrika ee Goluhu oggolaaday,” ayuu yiri Danjire Wood.
Waxaa jira dhowr arrimood oo muhiim ah u ah guusha iyo daacadnimada howlgallada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay, kuwii hore iyo kuwa cusub-ba, ayuu yiri Danjire Wood.

“Marka hore, waa in aan ku sii dadaalnaa mabaadi’da asaasiga ah ee nabad ilaalinta, oo ay ku jirto dhexdhexaadnimada. Hawlgallada Qaramada Midoobay adeeg bixiyayaal Uma ahandawladaha martigelinaya – waa hawl-wadeenno dhexdhexaad ah oo waajibaadkoodu yahay in ay wax ka qabtaan khataraha caalamiga ah ee nabadda iyo amniga iyadoo aan loo eegin halka ay ka imanayso khatartaasi.”

“Marka labaad, hawlgalladu waa in ay u shaqeeyaan si xor ka ah caqabadaha si ay si wax ku ool ah ugu fuliyaan waajibaadkooda ayna u sugaan badqabka iyo amniga shaqaalahooda,” ayuu yiri Danjire Wood.

“Marka ay nabad-ilaaliyeyaashu la kulmaan caqabado ama xannibaado, Golahan waxaa ku waajib ah in ay si degdeg ah u hawlgalo si uu u taageero howlgalka una hubiyo hawl-galkiisa xorta ah iyadoo la raacayo heshiiska heerka-ciidanka ah.”
Ugu dambeyn, howlgallada nabad-ilaalinta waxaa loogu baahan yahay ayaa ah sidii loo abuuri lahaa deegaan ammaan ah oo nabad u ah dadka rayidka ah ee ay colaaduhu baabi’iyeen noloshoodu, ayuu yiri Danjire Wood.

“Haddii ay ahaan lahayd moodooyinka hadda jira ama kuwa cusub-ba, ilaalinta rayidka iyo in loo abuuro jawi nabdoon oo ammaan ah waa in ay udub dhexaad u noqdaan nabad ilaalinta. Dhanka kale, hawlgallada nabad ilaalinta waxa ay abuuraan meel lagu gaaro xal siyaasadeed oo waara, kaas oo u baahan in si dhab ah ay qeyb uga noqdaan haweenka, dhallinyarada, iyo kooxaha kale ee la takooro.”

Nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ayaa weli ah hab aad u qiimo badan oo looga hortagayo laguna yareynayo colaadaha.