Xoojinta xiriirka saaxiibada Afrika

Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Ku-simaha Ku-Xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Arrimaha Siyaasadda John Bass ayaa dhowaan u safray dalalka Chad iyo Tanzania, taasi oo qayb ka ah dadaalka joogtada ah ee Mareykanku ku doonayo in uu ku fahmo saameynta colaadaha ballaaran ee ka jira gobolka ay ku leeyihiin saaxiibada muhiimka ah, iyo sidoo kale wax ka qabashada baahiyaha dadka u dhashay Chad iyo Tanzania.

“ka dal ahaan, Chad, waxaa inta badan taariikhdeeda aafeeyey iska-horimaadyo ka jiray gudaha Chad iyo dalalka deriska ah,” ayuu yiri Bass, Ku-xigeenka Xogahayaha Arrimaha Dibadda.

“Taasina waxa ay hoos u dhigtay awooddii dowladda iyo shacabkuba ay si sax ah ugu maalgashan lahaayeen horumarkooda iyo bulshadaba. Markaa runtii waxaan diiradda saarnay, sidii aan sanado badanba sameynaynay, annagoo ah shuraakada dadka reer Chad in aan gacan ka geysanno in fursado cusub loo abuuro dadka dalka si ay u helaan mustaqbal wanaagsan.”

Dowladda Chad waxa ay martigelinaysaa qaxooti lagu qiyaasay 625,000, oo u badan kuwa ka yimid gobolka Darfur. “Waxaan bixinaynay gargaar bini’aadantinimo oo aad u badan si aan u hubinno in culeyska daryeelka qaar badan oo ka mid ah dadka ka soo barakacay colaadda Suudaan uusan duasha uga fuulin dadka iyo dowladda Chad,” ayuu yiri Xoghaye Bass.

“Waxaan sidoo kale maalgelineynaa wax soo saarka waara ee beeraha iyo in aan Chad ka caawinno wax ka qabashada qaar ka mid ah caqabadaha daran ee amni ee ay wajaheyso.”

“Tanzania” ayuu yiri Xoghaye Bass, “waa bulsho firfircoon, oo adag oo leh dad da’yar oo u hanqal taagaya fursado u horseeda nolol macna iyo waxtar leh:”

“Waxaan aragnay qaar ka mid ah fursadaha muhiimka ah iyadoo Tanzania ay u sii dhaqaaqayso dhaqaale suuq xor ah, waxa aanna fileynaa in ay jiraan fursado waaweyn oo horyaalla Tanzania iyo Mareykanka, si aan u ballaarinno una xoojinno xiriirkeena ganacsi, wax is dhaafsi iyo maalgashi. ... Waxaan sii wadeynaa maalgashiga jiilasha ee dadka Tanzania annagoo adeegsanayna PEPFAR. Waxaan dhowaan saxiixnay heshiis hordhac ah iyadoo loo sii marayo Shirkadda the Millennium Challenge Corporation si loo sahamiyo maalgashi aad u ballaaran oo gacan ka geysanaya kobaca dhaqaalaha ee Tanzania,”

“Afrika waa qaarad aad muhiim u ah maanta iyo mustaqbalkaba,” ayuu yiri Bass, Ku-xigeenka Xoghayaha. “2050, 4tii qof ee adduunka ku nool qof ayaa noqon doona muwaadin dal ku yaal Afrika. Waxaana naga go’an in aan si dhow ula shaqeyno dhammaan bah-wadaagtayada iyo saaxiibadayada qaaradda si aan u abuurno fursado ka fiican kana xooggan oo ay helaan dadka qaaradda si ay ugu noolaadaan nabad, sharaf, iyo barwaaqo weyn.”