Beesha caalamka waa in ay sii waddaa taageerada shacabka Venezuela

Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Laba bilood ayaa laga joogaa markii shacabka Venezuela ay codkooda dhiibteen oo ay u doorteen Edmundo González Urrutia in uu noqdo madaxweyne. Diidmada Nicolás Maduro, oo awoodda Venezuela soo hayay in ka badan toban sano, ayaa ahayd mid aad u adag, sida Mareykanka iyo dalalka kale ee dimuqraadiga ah ay qireen. Laakiin Maduro iyo xulafadiisa ayaa sii wada diidmada rabitaanka shacabka Venezuela. Iyadoo aysan jirin wax u caddaynaya ayuu Maduro ku adkaysanayaa in uu guuleystay, iyadoo Edmundo González loogu hanjabay xabsi taasi oo ku qasabtay in uu musaafuris ahaan ugu noolaado Spain.

Isagoo ka hadlaya dhagaysi uu Koongareesku dhowaan qabtay ayaa Enrique Roig, oo ah Ku-Xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ee Xafiiska Dimuqraadiyadda, Xuquuqul Insaanka iyo Shaqada, waxa uu sheegay in cadaadiska dhacay ka dib doorashada Venezuela “uu ahaa mid daran oo aan horay looga arag taariikhda dalka:”

“Rijiimka Nicolas Mauro waxa uu bilaabay olole rabshado iyo cabsi gelin ah oo lagu doonayo in lagu caburiyo mucaaradka dimoqraadiga ah iyo dadka reer Venezuela. Laga billaabo 9-kii Sebtembar, waxaa la dilay 24 qof, iyo in ka badan 2,000 (laba kun ) oo qof oo la xiray... Celceliska tirada maalinlaha ah ee dadka la xiray ama la waayay ayaa ku dhawaad toban jeer ka badan celceliskii dhici jiray doorashada ka hor. Ciidamada ammaanka ayaa si joogto ah u joojiya muwaadiniinta iyagoo eega farriimahooda WhatsApp si ay u ogaadaan haddii ay ku lug leeyihiin abaabul kacdoon, waxa ayna sameeyeen app taageerayaasha Maduro ay ku soo sheegi karaan isku imaatinnada kuwa la tuhunsan yahay.”

Intaa waxaa dheer, sharci ka soo horjeeda NGO-yada oo uu ansixiyay Golaha Baarlamaanka ee Maduro bishii August, oo ay weheliso dib u soo nooleynta sharciga ka dhanka ah faashiistaha, ayaa “hoosta ka xarriiqaya doonista Maduro uu ku wiiqayo bulshada rayidka ah,” ayuu yiri Ku-xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Roig:

“Sharciyadan waxaa loogu talagalay in mid aan suuragal ahayn ay ka dhigto in NGO-yada iyo ururada mucaaradku ay ka shaqeeyaan Venezuela, xaddidayana awooddooda ay ku bixinayaan adeegyo, abaabulo, ama u ololeeyaan si xor ah.”

Mareykanka iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa Maduro iyo wakiiladiisa u muujiyay in sheegashadooda been abuurka ah ee ku saabsan doorashada iyo cadaadiskooda xigay ee muwaadiniinta Venezuela ay tahay mid aan la aqbali karin. 12-kii September, Waaxda Maaliyadda iyo tan Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqday cunnaqabateyn iyo xannibaado fiisaha ah oo lagu saaray mas’uuliyiinta la safan Maduro dowrkooda ku aaddan wax-is-dabamarintii doorashada iyo caburinta awgeed. Dawladaha dimuqraadiga ah ee gobolka iyo kuwa ka baxsanba waxa ay ku biireen dadaalka Mareykanka uu ku cadaadinaya Maduro hufnaanta iyo in uu soo afjaro xad-gudubyada xuquuqda shacabka Venezuelans.

Mareykanka, ayuu yiri Ku-xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda, Roig, “waxa uu sii wadi doonaa in uu si hagar la’aan ah ula shaqeeyo beesha caalamka si cadaadis loo saaro, loo dalbado isla-xisaabtan, iyo in la taageero kuwa u dagaallamaya Venezuela xor iyo dimuqraadi ah.”