Hubinta isticmaalka togan ee teknoolajiyadda dhijitaalka ah

Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

“Dagaalka dimoqraadiyadda ee qarniga 21-aad, safka hore ee dagaalka ayaa si isa soo taraysa ugu sii kordhaya dhanka online-ka,” ayuu Xoghayaha Arrimaha Dibadda Antony Blinken ka sheegay Qaramada Midoobay.

“Adduunka oo dhan, maamullada kali-taliska ahi waxa ay hub ahaan u adeegsadeen tiknooloojiyadda, [si] ay u sameeyaan faafreeb, ula socdaan islamarkaana u cadaadiyaan muwaadiniintooda. Dhanka kale, muwaadiniinta iyo kooxaha bulshada rayidka ah ayaa isticmaala warbaahinta bulshada, iyo fariimaha la isku dhaafsado internetka, si ay u abaabulaan, u adeegsadaan taleefannada casriga ah, u diiwaangeliyaan xadgudubyada xuquuqda aadanaha, ulana wadaagaan adduunka oo dhan. Mareykanka waxaa ka go’an in uu hubiyo in tiknooloojiyada dhijitaalka ah ay kor u qaaddo xuquuqda iyo xogaha qofka ee dadkeena ayna kordhiyaan fursado sal ballaaran.”

Mareykanka waxaa ka go’an in uu la shaqeeyo dalalka kale ee dimuqraadiga ah si loo xaqiijiyo yoolkaasi. Taasi waa sababta Shirweynihii ugu horreeyay ee Dimuqraadiyadda ee 2021-kii uu Mareykanku u ballan qaaday in uu dib u soo nooleeyo Isbahaysiga Xorriyadda Online-ka iyo laba jibaaridda dadaallada lagu ilaalinayo laguna horumarinayo Internet xor ah oo furan, ayuu yiri Xoghaye Blinken:

“Innagoo wadajirna, isbahaysigani waxa uu kor u qaadayaa xorriyadda internet-ka iyo la dagaalanka faafreebka. Tusaale ahaan, Mareykanka, Jarmalka, Estonia ayaa taageeray Sanduuqa Tiknooloojiyadda Furan si uu malaayiin qof uga caawiyo iyadoo la adeegsanayo shabakadaha gaarka ah ee VPN-nada iyo aaladaha kale ee lagu hareermaro xannibaadaha, xayiraadaha internet-ka, loo awoodeeyo dhaqdhaqaaqayaasha, saxafiyiinta laga bilaabo Ruushka ilaa Iiraan ilaa Cuba.”

Tan waxa kale oo ka mid ah qaadista tallaabooyin lagu xakameynayo ilaalinta dhijitaalka ah, ayuu yiri Xoghaye Blinken:
“Waxaan ka wada shaqeynay si aan u qeexno wadiiqooyinka adeegsiga tiknooloojiyadda wax lagula socdo ee ay isticmaalaan dowladaha. Waxaan abaabulnay 17 dal. Waxaa naga go’an in aan ka hortagno in si xun loo adeegsado xadgudubna lagu sameeyo aaladda spyware-ka ganacsiga. Mareykanku waxa uu ka shaqeeyay in uu tusaale u noqdo, oo ay ku jiraan xayiraad fiisaha iyo cunaqabatayn ka dhan ah shirkadaha iyo shakhsiyaadka dhanka xun uga faa’iidaysta tiknooloojiyaddan.”

Sannadkan, Maraykanka, oo taageero ka helaya xubnaha Isbahaysiga Xorriyadda Online-ka, waxa uu soo bandhigay qaraar Qaramada Midoobay oo taariikhi ah oo ah adeegsiga aaladda garaadka macmalka ah oo oo badbaado leh, ammaan ah, lana aamini karo si kor loogu qaado horumarka waara. Waddan kasta oo xubin ka ah ayaana qaatay go’aankaasi.

“Waxaan rajeyneynaa in tani ay dejiso qaab-dhismeedka oo ay salka u dhigto aasaaska garaadka macmaclka ah (AI) ee wixii hadda ka danbeeya,” ayuu yiri Xoghaye Blinken. Dhawr toddobaad ka hor, Mareykanku waxa uu ku biiray dalalka dimuqraadiga ah si ay u saxeexaan Axdiga Garaadka Macmalka ah (AI) ee Golaha Yurub, kaasi oo ah heshiiskii ugu horreeyay ee dhinacyo badan leh ee ku saabsan AI-ga iyo xuquuqul insaanka.

Maamullada kali-taliska ah waxa ay go'aansaden in ay qaataan kuna xad-gudbaan tiknooloojiyadda si ay u cadaadiyaan dadkooda. Taasi waa sababta ay tahay “in si isku mid ah loo go'aamiyo hadafkayaga ah in aan difaacno xorriyadda internet-ka,” ayuu yiri Xoghaye Blinken. Mareykanku waxa uu rejeynayaa in uu sii wado shaqadan muhiimka ah ee uu la leeyahay dowladaha, shirkadaha gaarka loo lee yahay, bulshada rayidka ah, iyo NGO-yada.