Mareykanka oo ammaanaya islamarkaana taageeraya ikhtiraaca Ukraine

Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Bishii Oktoobar, Maamulaha Wakaaladda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka Samantha Power ayaa koox ganacsato u dhashay Ukraine kula kulantay magaalada Lviv, xarunta hal-abuurka ee loo yaqaan IT Cluster, oo ay taageeraan dowladda Ukraine iyo Wakaaladda USAID.

“Waxa runtii xiisaha leh ee ku saabsan waxa aan ku aragnay Lviv IT Cluster waa kala-duwanaanshiyaha dhaqaalaha Ukraine,” ayay tiri Maamule Power. “In aan aragno koritaanka joogtada ah ee adeegyada IT-ga sida in laga dhoofiyo dalkan, waxa aan u maleynayaa in ay na siinayso calaamad muujinaysa waddada uu u socdo mustaqbalka Ukraine.”

Maamule Power ayaa tilmaantay hal-abuurka iyo guusha Knopka, oo ka mid ah waaxyaha IT Cluster ee Ukraine, kaasi oo nidaamkiisa digniinta caafimaad uu isbaddal ka sameeyay waaxdaasi sababtoo ah awoodda uu u leeyahay in uu shaqeeyo haddii ay korontadu maqan tahay. Shirkaddu waxa ay hadda wadahadal kula jirtaa isbitaallada iyo rugaha caafimaadka ee Mareykanka iyo Kanada.

Inkastoo ay laba sano iyo bar wajahayaan duullaanka arxan-darrada ah ee Putin, “Hoggaamiyeyaasha ganacsiga ee Ukraine ee qaybta tignooloojiyadda iyo kuwa ka baxsanba waxa ay ka faa’iidaysanayaan hal-abuurkooda iyo adkeysigooda si ay mustaqbal dalka ah u hogaamiyaan, USAID-na waxa aan fursad u helnay in aan sameyno wixii aan kari karno si aan taas u taageerno,” ayay tiri Maamule Power.

Mareykanka, ayaa si toos ah u siiyay Ukraine in ka badan $260 milyan si uu ganacsiyada Ukraine uga taageero “ka soo guurista iyo soo celinta howlaha shirkadaha safka hore, si ay u socodsiiyaan barnaamijyo xirfadeed oo ay ugu tababaraan dadka reer Ukraine ganacsiyada sida weyn loogu baahan yahay sida dhismaha iyo gaadiidka, iyo in la kordhiyo helitaanka ganacsiyada iyo kuwa bilowga ah si ay u helaan maalgelin la awoodi karo. Taageeradan ayaa lafteedu waxa ay albaabada u furtay $232 milyan oo maalgashi cusub ah oo ay heleen shirkadaha Ukraine.”

Isla waqtigaasi, Maamule Power ayaa tiri “Waxaan si dhow ula shaqeyneynaa shuraakadeenna dowladda Ukraine si loo hagaajiyo hufnaanta, oo loo yareeyo fursadaha khaladaadka, iyo in la sameeyo garsoor madax-bannaan. … Kuwani waa tillaabooyinka muhiimka ah ee lagu dhisayo kalsoonida in qandaraasyada la xurmeeyo, iyo in la dhaqan geliyo shuruucda maalgashiga.”

Beeraha, warshadaha, iyo waaxaha difaaca ayaa sidoo kale arkay kor u kac ku yimid hal-abuurnimada iyo xirfadda tan iyo duullaankii Ruushka. “Waxa aan ka fakarayaa in aan qiyaaso waxa dalkan iyo dadka reer Ukraine ay samayn karaan wakhtiga nabadda,” ayat tiri Maamule Power.

“Ganacsiyada, sida kuwa aan maanta la kulmay, waxa ay ka shaqeynayaan sidii ay u dhisi lahaayeen mustaqbal kaasi oo hal-abuurnimada reer Ukraine u horseedaya horumar. ... ma ahan oo kaliya halkan gudaha Ukraine, laakiin meelaha kale ee dunida oo dhan ayaa sii wadi doona in ay ka faa’iidaystaan alaabta, adeegyada iyo fikradaha halkan lagu sameeyay.”