Doorashada Mareykanka: Xukun isku wareejin kale oo nabdoon oo soo socota

Trump Key Figures

Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida Dowladda Mareykanka.

Madaxweyne Joe Biden ayaa qaranka la hadlay ka dib doorashadii guud ee dhacday 5-tii November, taasi oo dadka Mareykanka ah ay u codeeyeen in uu ku soo laabto xafiiska Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, kaasi oo Mr. Biden uu kaga adkaaday doorashadii 2020-kii.

“In ka badan 200 oo sano, Mareykanku waxa uu sameeyay tijaabadii ugu weynayd taariikhda dunida ee ku saabsan is-xukunka - taasina maaha mid ka badbadin ah; waa xaqiiqo jirta – waa halka dadku ay codeeyaan oo ay doortaan madaxdooda oo ay u sameeyaan si nabad ah, waana halka, dimuqraadiyadda, rabitaanka dadku uu had iyo jeer guuleysto.”

Madaxweyne Biden ayaa sheegay in uu wacay madaxweynaha la doortay ee Trump si uu ugu hambalyeeyo guushiisa.

“Waxaanna u xaqiijiyay in maamulkeyga oo idil aan ku amri doono in uu la shaqeeyo kooxdiisa si loo xaqiijiyo kala-guur nabad ah oo nidaamsan. Taasi waa waxa ay mudan yihiin shacabka Mareykanka.”

Ka dib ololihii adkaa ee ay isaga horyimaadeen madaxweyne ku xigeenka Kamala Harris iyo Mr. Trump, Madaxweyne Biden ayaa ammaanay madaxweyne ku xigeenka iyo tartankeedii Aqalka Cad.

“Waa qof adag. Waxa ay leedahay dhaqan wanaagsan, dhabtii shaqsiyad wanaagsan. Waxa ay gelisay tamarteeda iyo dadaalkeeda oo buuxa, iyada iyo dhammaan kooxdeeda waa in ay ku faanaan ololaha ay galeen.”

Kuwii u codeeyay madaxweyne ku xigeenka Harris, Mr. Biden ayaa ku xujeeyay “in ay dhaqdhaqaaqaan” iyo “in ay adkeeyaan iimaankooda.” Waxa uu hoosta ka xarriiqay in ololaha siyaasadeed “ay yihiin tartan u dhexeeya aragtiyo kala duwan.”

“Dalku mid ama kan kale ayuu dooranayaa. Waxaan aqbalnaa xulshada shacabka. Marar badan ayaan iri ma jeclaan kartid dalkaaga kaliya marka aad guulaysato. Ma jeclaan kartid deriskaaga kaliya marka aad isku fikir tihiin. Waxa aan rajaynayo in aan samayn karno iyadoo aan loo eegin cidda aad u codaysay ayaa ah in aan isku aragno in aannaan col ahayn ee aan nahay dad wada ah Maraykan, hoosna u dhigna xamaasadda.”

“Waxa aan gudan doonaa waajibaadkeyga madaxweynenimo,” ayuu yiri Madaxweyne Biden. “Waan oofin doonaa dhaarteyda, waxaanna ilaalin doonaa dastuurka. 20-ka Jannaayo [sanadka danbe], waxa aan si nabad ah ula kala wareegi doonnaa madaxtinimada halkan Mareykanka.”