Taageeridda himilooyinka nabadda ee Afrikada Dhexe

Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida Dowladda Mareykanka

“Waa muhiim in aan taageerno rabitaanka dimoqraadiyadeed iyo nabadeed ee dadka Afrikada Dhexe, oo aan wax ka qabanno caqabadaha adag ee soo food saaraya gobolka,” ayuu yiri Danjire Robert Wood, oo ah ergeyga Mareykanka u qaabilsan arrimaha siyaasadda ee Qaramada Midoobay.

Colaadda argagaxa leh ee Suudaan iyo xaaladda ba’an ee bini’aadantinimo ee ka jirta dalkaasi ayaa weli ah caqabad ka taagan gobolka oo dhan. Chad iyo Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika ayaa si wadajir ah u martigeliyay in ka badan 750,000 oo qaxooti cusub ah oo ka soo cararay colaadda. Danjire Wood ayaa u mahadceliyay dowladaha Chad iyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, bulshooyinka maxalliga ah, iyo hay’adaha samafalka sida ay u soo dhaweeyeen qaxootigan.

“Maraykanku waxa uu sii wadaa bixinta gargaar bini’aadantinimo oo xoog leh si uu u hubiyo in la daboolo baahiyaha qaxootiga, bulshooyinka ay martida u yihiin,” ayuu yidhi Danjire Wood.

“Sannadkii hore, Mareykanka ayaa ahaa deeq-bixiyaha ugu weyn ee gargaarka Suudaan iyo dalalka deriska ah. Intaa waxaa dheer, waxaan sii wadnaa in aan ku cadaadinno Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan iyo Xoogaga Gurmadka Degdegga ah in ay oggolaadaan gargaarka bini'aadanimo, xaqiijiyaan ilaalinta dadka rayidka ah, oo ay ku soo laabtaan miiska wadahadalka.”

Iyadoo Chad ay isku diyaarinayso doorashooyinka maxalliga ah iyo kuwa sharci dejinta oo dhacaya 29-ka December, Danjire Wood waxa uu ku boorriyay dowladda in ay xoojiso “in hannaanka doorashadu uu noqdo mid loo dhan yahay oo hufan.”

“Waxaan sidoo kale ku dhiirrigelinaynaa Gabon in ay sii waddo horumarka ay ka samaynayso wadadii doorashada iyo in ay hannaanka ku darto bulshada rayidka ah,” ayuu yiri Danjire Wood.

“Kaalmada Mareykanka waxa ay diiradda saareysaa taageeridda horumarka Gabon ee ku aaddan doorashooyin xor iyo xalaal ah, oo leh hannaan doorasho oo loo dhan yahay. Waxaan ku boorrinaynaa Gabon in ay dhisto, waqtiga ku habboon, dawlad si dimuqraadi ah loo soo doortay 2025-ka taasi oo oo matasha rabitaanka shacabka Gabon.”

Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika ayaa qorshuhu yahay in bisha Luulyo ee 2025-ka ay qabato doorashooyinkeedii ugu horreeyay ee heer deegaan iyo heer gobol ah tan iyo 1988-kii.

Doorashooyinkani waa qeyb muhiim ah oo ka mid ah maamul-daadejinta iyo dhisidda hay’ado maxalli ah oo ka jawaabaya baahiyaha muwaadiniinta. Mareykanku waxa uu ku boorrinayaa dawladda iyo mucaaradka in ay si hufan oo barax tiran uga wada shaqeeyaan ka hor doorashooyinkan, inta ay socdaan, iyo ka dib marka la qabtaba.

Marka laga hadlayo argagixisanimada gobolka, Mareykanku waxa uu cambaareynayaa Boko Haram, Daacish-ta Galbeed Afrika, iyo dhammaan kooxaha weerara dadka rayidka ah islamarkaana dadka barakiciya.

Hadda si ka badan intii tii hore, ayaa loogu baahan yahay dhammaan xubnaha Howlgalka Ciidanka Wadajirka Caalamiga ah ee ay Afrika hoggaamiso si loo soo afjaro rabshadaha Boko Haram.

Mareykanku waxa uu rajeynayaa in uu la sii shaqeeyo Golaha Ammaanka si uu u taageero rabitaanka dimoqraadiyadda iyo nabadda ee dalka Afrikada Dhexe.