Colaadda xun ee Suudaan waa in la soo afjaraa

SUDAN-CONFLICT-POLITICS-soudan

Toddoba bilood ka hor, rajadii laga qabay xukun rayid ah ee Suudaan ayaa si weyn u wiiqmay, kadib markii uu ka dhex qarxay dagaal cusub oo u dhexeeya ciidammada qalabka sida ee Suudaan ee SAF iyo kooxda loo yaqaano Rapid Support Forces (RSF).

Kulan kooban oo golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay yeesheen, safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield ayaa ku tilmaantay dagaalka ka socda Suudaan “cadaab nool”.

“In ka badan 5,000 oo qof ayaa la dilay in ka badan 5.7 milyan oo qofna waa ay ka carareen guryahoodii. Khartoum waa la burburiyay, Daarfuurna sidoo kale waxa ay qaadaysaa culayska colaadda,” ayuu ayay tiri Danjire Thomas-Greenfield.

Danjire Thomas-Greenfield ayaa xustay in bishii Nofeembar ay RSF iyo maleeshiyaadka huwanta ah ay xasuuq iyo xadgudubyo kale oo naxdin leh ka geysteen guud ahaan Galbeedka Darfur:

Goob joogayaal ayaa soo sheegaya gabood-fallo cusub oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ka dhacay Galbeedka Darfur, weerarrada qowmiyadeed ee ka dhanka ah qowmiyadda Masalit ee Afrikaanka ah, iyo xarig aan loo meel dayin oo loo geystay dad rayid ah, oo ay ku jiraan hoggaamiyeyaasha maxalliga ah, difaacayaasha xuquuqda aadanaha iyo dhaqdhaqaaqayaasha. Sida laga soo xigtay dhakhaatiirta iyo Qaramada Midoobay, in ka badan 800 oo qof iyo tirooyin la tiriyey ayaa lagu dilay weerar maalmo badan ka dhacay Adamata, kaas oo noqon kara dil wadareedkii ugu weynaa tan iyo markii uu dagaalku qarxay bishii Abriil.

Rabshadaha galmada ee la xiriira khilaafka, oo uu ku jiro kufsigu, ayaa ahaa mid baahsan, ayay yiri danjire Thomas-Greenfield:

“Sida laga soo xigtay OHCHR [Xafiiska Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha], haweenka iyo gabdhaha waxaa lagu afduubaa, lagu xirayaa, laguna hayaa iyaga oo aan raalli ka ahayn meelaha ay RSF ka taliso ee Darfur. ...Waxaas oo dhami waxay ku dhacayaan indhahayaga hortooda. . Waxayna ceeb ku tahay dadnimadayada wadajirka ah.”

Nabad waarta waa sida kaliya ee lagu badbaadin karo nolosha laguna soo afjari karo dhibaatada, ayay tiri danjire Thomas Greenfield. Si loo gaaro yoolkaas, Mareykanka, oo ay wehliyaan Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo Urur-Goboleedka IGAD, ayaa dib isugu yeeray wada-hadallo xabbad-joojin ah oo u dhexeeya dhinacyada magaalada Jeddah. SAF iyo RSF waxay ku heshiiyeen inay tilmaamaan meelaha lagala soo xiriiro si looga caawiyo gargaarka bini'aadantinimo. Intaa waxaa dheer, waxay go'aansadeen in ay hirgeliyaan tallaabooyin kalsooni-dhis ah, oo ay ku jiraan samaynta xiriir dhexmara madaxda SAF iyo RSF, qabashada maxaabiista baxsadka ah, iyo yaraynta odhaahyada colaadeed. Waa la arki doonaa haddii dhinacyadu ka soo baxaan ballanqaadyadan.

"Waa la soo dhaafay waqtigii ay dhinacyadu hubka dhigi lahaayeen oo ay dib u bilaabi lahaayeen dawladnimada rayidka," ayuu yidhi danjire Thomas-Greenfield. "Dhamaanteen aan sameyno wax kasta oo suurtagal ah si aan u caawino dadka Suudaan si ay u helaan xorriyadda, nabadda, iyo caddaaladda ay mudan yihiin."

Tani waxay aheyd faallo ka turjumeysa aragtida dowladda Mareykanka.