Difaaca xorriyadda socdaalka badda cas

A ship is pictured at the Red Sea port of Hodeidah, Yemen August 5, 2018.

Xuutiyiinta Yemen oo ay Iran taageerto ayaa duqaymo iyo afduub ku hayay maraakiibta ganacsiga ee isaga kala goosha badda cas, si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan Xamaas iyo mucaaradka Israa'iil tan iyo bishii November.

Weerarada ayaa lala beegsaday waddo u dhiganta 15 boqolkiiba taraafikada maraakiibta caalamiga ah waxayna keentay in shirkado badan oo maraakiibta ay dib u habeeyaan maraakiibtooda.

Weeraradan ayaa saameeyay muwaadiniinta, badeecooyinka, iyo danaha ganacsi ee in ka badan 40 wadan, sida uu xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken ku xusay mar uu dhawaan shir jaraa’id ku qabtay Qatar:

"Waxay carqaladeeyeen ama leexiyeen ku dhawaad 20 boqolkiiba maraakiibta caalamiga ah, in ka badan 12 shirkadood oo maraakiib ah ayaa ku qasbanaaday inay ku wareejiyaan kumanaan maraakiib ah agagaarka Cape of Good Hope. Qiimaha iyo kharashkaas waxa loo sii gudbiyaa macaamiisha adduunka oo dhan - hadday tahay cunto, shidaal, dawo, gargaar bini'aadminimo, adiga ayaa magacaabey."

Sida cad, weerarradan Xuutiyiintu waxay dhaawacayaan dadka adduunka oo dhan - inta badan, dadka ugu saboolsan iyo dadka ugu nugul, oo ay ku jiraan Yemen iyo Gaza, ayuu yidhi Xoghaye Blinken. Taasi waa sababta Maraykanku u bilaabay Hawlgalka Ilaalinta Barwaaqada oo ay la socdaan in ka badan 20 waddan si ay u difaacaan badbaadada iyo ammaanka maraakiibta ganacsi ee isaga gudba Badda Cas. Sidoo kale waa sababta in ka badan dersin waddan ay u caddeeyeen in Xuutiyiinta lagula xisaabtami doono weerarrada mustaqbalka, ayuu yiri xoghaye Blinken:

"Waxaan sii wadi doonnaa inaan difaacno amniga badda ee gobolka taasoo qayb ka ah dadaalkeenna guud ee lagu joojinayo loogana hortagayo iskahorimaadyo kale oo gobolka ah, si aan u hubinno isu-socodka ganacsiga xorta ah ee muhiimka u ah dadka adduunka oo dhan."

Beesha caalamku waxay kaalin dhab ah ku leedahay ilaalinta mabda'a xorriyadda socdaalka. Sida Taliyaha Ciidanka Cirka ee Mareykanka Major General Pat Ryder uu ku sheegay warbixin kooban, "Xuutiyiintu waxay u baahan yihiin inay joojiyaan weerarradan, waxayna u baahan yihiin inay hadda joojiyaan."

Tani waxay aheyd faallo ka turjumeysa aragtida dowladda Maraeykanka.