Tani waa faallo ka tarjameysaa aragtida Dawladda Mareykanka
Sannad ayaa laga joogaa marki ay dhamaatay afarti sano ee muddo xileedka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed, oo ku magac-dheer Farmaajo.
Tan iyo markaas, Doorashooyinka Baarlamaanka iyo tan madaxtinimada ayaa marar badan dib loo dhigay; mudaaharaadyo dhacayay ayaa lagala hortagay rabsho, saxafiyiin ayaa la dhibaateeyay oo la xiray; dib u qaabeynta siyaasadeed ayaa la hakiyay; halka argagixisada al-Shabaab ayaa sii wadeen weerarada aanan kala sooca laheyn ee ay la beegsanayaan rayidka.
Tan iyo sannadki hore, Mareykanka ayaa si xiriir ah uga digayay in lasoo afjaro ismari-waaga siyaasadeed iyadoo aanan loo eegeyn doorashooyinka Soomaaliya, haddii la doonayo in la helo rajo ah in dadka Soomaaliyeed ay helaan nabad iyo barwaaqo.
Bishii February 8-deedi, oo ku beegneyd sannad-guuradi koowaad ee marki uu dhamaaday muddo xileedki madaxweynaha Soomaaliya, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa ku dhawaaqay xayiraad dhinaca dal-ku-galka ah oo lagu soo rogay saraakiil hore iyo kuwo hadda ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo shakhsiyaad kale oo la rumeysanyahay in ay mas’uul ka yihiin ama ku lug leeyihiin, wiiqidda hannaanka dimoqraadiyadda Soomaaliya, iyaga oo adeegsadanaya rabshado ka dhan ah dibadbaxayaasha ama caga-jugleynta wariyaasha iyo xubnaha mucaaridka iyo sidoo kale ku-tagri-falista hannaanka doorashada. Xannibaadda dal-kugalka ayaa sidoo kale lagu soo rogi karaa xubnaha qoysaska shakhsiyaadka ay xayiraadda ku dhacday.
Siyaasadda xayiraadda bixinta fiisaha ama dal-ku-galka waxaa loo cuskaday xeerka 212(a)(3)(C) ee Sharciga Socdaalka iyo Jinsiyadaha Mareykanka. Xoghaye Blinken ayaa sheegay in xaaladdan iyada ah, lagu dabaqayo.
“Shakhsiyaadka doorka ka qaatay wax-is-daba-marinta habraacyada, taas oo wiiqday hannaanka doorashada, kuwa ku fashilmay in ay kasoo baxaan oo ay raacaan waajibaadkii ka saarnaa hirgelinta doorashooyin hufan oo waqtigooda ku qabsooma, isla dadkaas oo bah-dil, caga-jugleyn, xarig iyo qalalaase ku beegsaday saxafiyiinta iyo xubnaha mucaaridka.”
Soomaaliya ayaa in muddo ah soo wajaheysay caqabado dhinacyo badan leh oo ay ka mid yihiin xasillooni darro siyaasadeed, dagaallo, abaaro iyo cudurro. Marka loo eego saadaasha Qaramada Midoobay ee 2022, qiyaastii 7.7 milyan oo Soomaali ah (ku dhawaad kala badh dadka dalka) ayaa u baahan doona gargaar bini'aadantinimo iyo ilaalin. Soomaalida oo dhan waxay u baahan yihiin dowlad ay iyagu doortaan oo ka jawaaba baahidooda.
“Madaxda qaranka iyo madaxda dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya waa in ay raacaan ballanqaadyadooda ah in lagu soo dhameystiro hannaanka doorashada baarlamaanka si lagu kalsoonaan karo oo daah-furnaan ah ilaa 25-ka Febraayo, taas oo sii dhigi doonta asaaska dowladnimo ee Soomaaliya,” ayuu yiri Xoghayaha Arrimaha Dibadda Blinken. "Mareykanku si xooggan ayuu u taageeraa dadka Soomaaliyeed, waxaana naga go'an inaan ka wada shaqeyno horumarinta dimuqraadiyadda iyo barwaaqada labada dal."