Duqeymo horleh oo Maraykanku ka geystay Suuriya

United States Iran Military Strikes

Mareykanka ayaa 12-kii bishii November billaabay duqeyn cusub oo oo lala beegsaday xarumo ku yaal bariga Suuriya oo ay adeegsadaan Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ee IRCG iyo kuwa taabacsan.

Sida uu bayaan uu soo saaray xoghayaha difaaca Lloyd Austin uu ku sheegay in duqaymahaasi ay jawaab u ahaayeen weerarada joogtada ah ee ka dhanka ah shaqaalaha Maraykanka ee Ciraaq iyo Suuriya. Waxaa lagu qabtay xarun tababar iyo guri ammaan ah oo u dhow magaalooyinka Albukamal iyo Al Mayadin, siday u kala horreeyaan.

Waa markii saddexaad oo Maraykanku uu fuliyo weerarro noocan oo kale ah oo uu kaga jawaabayo in ka badan 40 weerar oo ay kooxo gacan saar la leh Ilaalada Kacaanka Iran ku qaadeen saldhigyada iyo ciidamada Maraykanka tan iyo 17-kii October. Xoghayaha difaaca Austin ayaa sheegay in madaxweyne Biden uu amray weerarrada "si uu u caddeeyo in Maraykanku uu difaaci doono naftiisa, dadkiisa iyo danihiisa."

Ilaa 2,500 oo askari oo Maraykan ah ayaa ku sugan Ciraaq iyo 900 oo Suuriyaan ah si ay u caawiyaan ciidamada maxalliga ah si ay u sugaan jabka joogtada ah ee ISIS. Ugu yaraan 56 ka mid ah shaqaalaha Mareykanka ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo maskaxeed oo naxdin leh ama dhaawacyo kale oo fudud oo ka soo gaaray weerarradii ugu dambeeyay ee kooxaha xiriirka la leh Ilaalada Kacaanka Iran. Dhammaan askartii ku dhaawacantay weerarka ayaa lagu soo waramayaa in ay ku soo laabteen shaqada.

Tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii waxashnimada ahaa ee argagixisada Xamaas ay ku qaadeen Israa’iil 7-dii October iyo hawlgalkii xigay ee ay ciidamada Israa’iil ku qaadeen Gaza si ay u burburiyaan Xamaas, xiisadda ayaa sare u kacday gobolka oo dhan. Mareykanka ayaa marar badan uga digay labada dowladood iyo kuwa aan dowliga ahaynba in aysan ka faa’ideysan colaadda. Si loo joojiyo fiditaanka dagaalka, Maraykanku waxa uu geeyey difaacyo dheeri ah oo dhanka cirka ah, iyo sidoo kale laba kooxood oo diyaaradaha xambaaraya gobolka.

Shir jaraa’id oo uu dhawaan qabtay, sarkaal sare oo ka tirsan difaaca Mareykanka ayaa sheegay in Mareykanka uu Iran kula xisaabtamayo weerarrada lagu qaaday shaqaalaha Mareykanka ee Ciraaq iyo Suuriya. Duqeymaha Mareykanka ee xarumaha ay isticmaalaan IRGC waa la isku daraa, sarkaalku wuxuu yiri, "farriin aad u cad oo la soo mariyay wadooyin badan, farriintuna waxay ku socotaa hoggaamiyeyaasha sare ee Iran, 'Waxaan rabnaa inaad u jeedisaan wakiilladaada iyo kooxaha maleeshiyooyinka si ay u joojiyaan weerarrada nagu soo wajahan. .”

Isagoo la hadlayay suxufiyiinta intii lagu guda jiray booqasho uu ku tagay Seoul Noofambar 13, Xoghayaha Difaaca Austin wuxuu ku dhawaaqay; d, "Weeraradani waa inay joojiyaan, haddii ay joojin waayaan, markaa kama labalabayn doono inaan samayno waxa lagama maarmaanka ah… si aan u ilaalino ciidamadeena."

Tani waxay aheyd faallo ka turjumeysa aragtida dowladda Mareykanka.