Ka jawaabista burburka Afghanistan

An Afghan woman with her children walk amid debris after a powerful earthquake in Herat province, western of Afghanistan, Oct. 15, 2023, in this handout photo released by Save the Children. (Photo via AP)

An Afghan woman with her children walk amid debris after a powerful earthquake in Herat province, western of Afghanistan, Oct. 15, 2023, in this handout photo released by Save the Children. (Photo via AP)

Dowladda Mareykanka oo adeegsaneysa Hay’adda Mareykanka u qaabilsan Horumarinta Caalamiga ayaa ku dhawaaqday 12 Milyan oo Doollar oo gargaar bini’aadannimo ah oo la gaarsiinayo dadka reer Afgaanistaa ee ay waxyeellada kasoo gaartay dhul-gariirro dhowr ah.

Intii lagu jiray bishii Oktoobar, afar dhul-gariir oo cabbirkiisu ahaa 6.3 ayaa ku dhuftay gobolka waqooyi-galbeed ee Afgaanistaan. Dhul-gariirrada - iyo dhulgariirkii xigay - ayaa dilay ugu yaraan 1,482 qof waxaana ku dhaawacmay ku dhawaad 2,100 ilaa Oktoobar 19, sida ay sheegtay Ururka Caafimaadka Adduunka ee Qaramada Midoobay. Saraakiisha Qaramada Midoobay ayaa sheegay in in ka badan 90 boqolkiiba dhibbanayaasha dhulgariirku ay ahaayeen haween iyo carruur.

Dhimashada ka sokow, dhulgariirku waxa ay dumiyeen kumannaan guri, xitaa waxa ay si buuxda ula simeen dhammaan magaalooyinka meelaha qaarkood.

Masiibadani ayaa xaaladda bini'aadantinimo ee Afghanistan aad uga sii daraysa. Taalibaan ayaa talada dalka la wareegtay Agoosto 2021 waxayna aad u xaddidday xuquuqda haweenka, oo ay ku jirto inay haweenka Afgaanistaan ka mamnuucday inay la shaqeeyaan NGO-yada iyo hay'adaha Qaramada Midoobay. Tan iyo markaas, xasillooni-darro siyaasadeed iyo mid dhaqaale ayaa ka dhigtay in ka badan saddex-meelood laba meel dadka reer Afgaanistaan u baahan gargaar.

Marka laga soo tago ku dhawaaqista 12 milyan ee doolar, la-hawlgalayaasha USAID waxay sameeyeen qiimeyn burbur waxayna bixiyeen gargaar bini'aadanimo oo degdeg ah ka dib dhulgariirka.

Qayb ka mid ah maalgelinta USAID waxay aadi doontaa Hay'adda Caalamiga ah ee Socdaalka, ama IOM, kuwaas oo si firfircoon ugu hawlanaa bixinta qalabyada hoyga degdega ah, qalabka karinta, bustayaal, nalalka cadceedda iyo dharka dadka ay saameeyeen dhulgariirka.

Walwalka kale ee ugu weyn waa biyo nadiif ah. Qoysas badan oo ku nool gobolka ayaa horey u wajahay cudurro ka dhasha biyaha ka hor dhulgariirku. Kaalmada USAID waxay ka caawin doontaa IOM bixinta biyo nadiif ah oo la cabbo iyo taageeridda dayactirka isha biyaha si looga hortago cuduro kale oo ka dillaaca Afgaanistaan.

Maraykanku waa deeq bixiyaha kaliya ee ugu weyn ee ku deeqa bini'aadantinimo ee Afgaanistaan, iyada oo ku dhawaad $2 bilyan ayaa la bixiyay tan iyo Agoosto 2021, iyadoo in ka badan $1.46 ay ka timid USAID.

Kooxda ka jawaabista Musiibooyinka ee USAID ayaa sii wadi doona hubinta in gargaarka la gaarsiyo dadka aadka u nugul, oo ay ku jiraan haweenka iyo gabdhaha. Maraykanka ayaa sii wadi doona garab istaagga dadka Afgaanistaan iyo ka jawaabista baahiyaha bini'aadantinimo.