Weerarrada Xuutiyiinta ayaa wiiqay fursadda nabadda ee Yemen

FILE - This photo shows the U.S.-owned Genco Picardy that was attacked Jan. 17, 2024, with a drone launched by Houthis in the Gulf of Aden. The International Rescue Committee is now diverting aid shipments away from the Red Sea. (Indian navy via AP)

FILE - This photo shows the U.S.-owned Genco Picardy that was attacked Jan. 17, 2024, with a drone launched by Houthis in the Gulf of Aden. The International Rescue Committee is now diverting aid shipments away from the Red Sea. (Indian navy via AP)

"Weerarrada aan ka fiirsiga lahayn ee Xuutiyiinta ee Badda Cas, iyo xaaladda sii xumaanaysa ee dadka Yemen, taas oo ay sabab u tahay ficillada Xuutiyiinta, waxay sii wadaan inay kor u qaadaan welwelka ayna wiiqayaan rajada nabadda ee Yemen," ayuu yiri Danjire Robert Wood, Wakiilka Mareykanka ee Arrimaha Siyaasadda Gaarka ah ee Qaramada Midoobay.

"Marka laga soo tago saameynta maraakiibta caalamiga ah, weeraradan socda ee Xuuthiyiinta ayaa sidoo kale caqabad ku ah gaarsiinta gargaarka bini'aadanimo ee Yemeni 11.2 iyo dadka baahida weyn u qaba ee ku nool dalalka kale Waxay ka leexiyaan guul-darrooyinka iyo xad-gudubkooda faraha badan.”

Danjire Wood ayaa sheegay in Xuutiyiinta ay sii wadaan xariga naxariis darada ah ee ay ku hayaan xubnaha diimaha laga tirada badan yahay ay tahay wax aan la aqbali karin.

“Waxaa naga xumaaday iska horimaadyadii bishii hore ka dhacay caasimadda ka dib markii la sheegay in xoogagga Xuutiyiintu ay ku qasbeen dadkii masaajid ku tukanayay inay dhagaystaan dacaayada laga sii daayo TV-ga halkii ay ka ahaan lahaayeen salaad dhaqameed in la dilo Horraantii sanadkan iyada oo lagu soo oogay dacwado la isweyddiin karo oo ah in ay is-guursadeen, oo ciqaabo ay ka mid yihiin in iskutallaabta lagu dilo iyo in dhagax lagu dilo.

Danjire Wood ayaa ugu baaqay golaha ammaanka inay wax badan ka qabtaan walaaca ay ka qabaan hubka ay Xuuthiyiinta adeegsadaan ee asal ahaan ka soo jeeda Iran iyo xadgudubyada joogtada ah ee cunaqabateynta hubka.

“Ma ahan wax qarsoon in Iran ay hub siiso Xuutiyiinta taasoo xadgudub ku ah cunaqabateynta hubka ee Qaramada Midoobay. Markaa, waxaanu ku celinaynaa baaqayada ku wajahan Iran inay joojiso hubkan sharci darrada ah ee ay u kala wareejinayso iyo inay joojiso dhammaan dhaqdhaqaaqyada fududeeya weerarada aan ka fiirsiga lahayn ee Xuutiyiinta. Dadaalka joogtada ah ee Iran ay ku doonayso in ay xasilooni darro iyo argagax ka abuurto gobolka, sida lagu muujiyay. . .Weerarada aan hore loo arag ee Iran ka dhanka ah dawladda Israa’iil, waxay u baahan yihiin in Golahani si adag u cambaareeyo.”

Hubka sharci darada ah waa inaan loo dulqaadan, ayuu ku booriyay Danjire Wood. "Dawladaha xubnaha ka ah waa in ay aqoonsadaan oo ay u magacaabaan kuwa ku xadgudba cunaqabateynta, Golaha Ammaankuna waa in uu xoojiyaa hababka iyo maamulada jira si wax looga qabto rabshadaha sii kordhaya ee Badda Cas."

Iyadoo ay jiraan caqabadahaas, ayuu yiri danjire Wood, “waxaan sii wadeynaa in aan aaminsanahay in wada xaajoodyada ku aaddan geeddi-socod nabadeed oo loo dhan yahay ee Yemen iyo Yemen, oo ay Qaramada Midoobay gar-wadeen ka tahay, ay ugu dambeyntii sii ahaanayaan waddada ugu wanaagsan ee xasilloonida. Mid aan rajaynayno inuu horseedi karo soo afjarida colaadda.

Tani waxay aheyd faallo ka turjumeysa aragtida dowladda mareykanka.