Argagaxa xadgudubyada galmada ee colaadaha la xiriira ayaa si naxdin leh maskaxda ugu soo dhacay horraantii Oktoobar, markii argagixisada Xamaas ay kusoo duushay Israa’iil, ayna qafaasheen dad ay ku jiraan dumar iyo gabdho, soo bandhigeen haweeney miyir daboolan oo ku jirta dhabarka dambe ee baabuur sidii koob ay ku guuleysteen, waxaana la sheegay in la iskugu daray kufsi iyo faraxumeyn.
Qaar ka mid ah gabood-falladaas oo laga duubay waxaa soo daayay dambiilayaasha Xamaas.
Shirkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee Arria-Formula ee 18-kii Oktoobar, safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield waxay xustay "in xilligan la joogo xad-gudubka galmada loo isticmaalo xeelad dagaal."
Kulanka ku saabsan xad-gudubyada galmada ee la xiriira iskahorimaadka, ama CRSV, oo ay soo qabanqaabiyeen Albania, Mareykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska, ayaa si cad uga caddeeyey marqaatiyada in xeeladdan naxdinta leh loo isticmaalo colaadaha adduunka.
"Waa in aynaan la qabsan argagaxisadaas," ayay tiri danjire Thomas-Greenfield. "Rabshadaha galmada la xiriira iskahorimaadku maaha wax lama huraan ah. ( waa in) la tirtiraa. Si taas loo gaaro, waxaan aaminsanahay in dhammaan dowladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ay tahay in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan seddex qaab oo dadaal ah.
Marka hore, ayay tiri danjire Thomas Greenfield, "waa in aan faragelinteena ku dabbaqno ka qaybqaadashada iyo falanqaynta jinsiga ee xasaasiga ah":
"Waxaan ka ognahay daraasado aan tiro lahayn in CRSV ay salka ku hayso sinnaan la'aanta jinsiga, iyo in rabshadaha ku saleysan jinsiga ay badanaa noqon karaan… calaamad digniin hore oo bilawga xadgudubyada kale. Waa inaan sii wadnaa inaan kor u qaadno ka-qaybgal buuxa, siman, oo macno leh oo haweenka iyo gabdhaha - dhammaan kala duwanaanshahooda - doorarka go'aan gaarista ee heerarkasta oo dhan."
Marka labaad, waxay tiri, "Waa in aan qaadanaa hab ku salaysan dhibbanayaasha iyo habdhaqanka xog-ogaalnimada oo aan abuurno jawi taageero ah kaas oo xuquuqda badbaadayaasha la ixtiraamo, dib-u-dhaqaajinta la iska ilaaliyo, iyo badbaadayaasha la siiyo agabka ay u baahan yihiin si ay u koraan."
"Saddexaad, waa inaan sameynaa wax badan ka bulsho ahaan caalamka si aan kor ugu qaadno la xisaabtanka kuwa mas'uulka ka ah CRSV. … Waa inaan dhammaanteen isticmaalnaa qalab kasta oo sharci, siyaasad, diblomaasiyadeed iyo maaliyadeed oo aan haysanno si aan ula dagaallano ciqaab la'aanta dembiilayaasha iyo inaan ka hortagno falalka rabshadaha mustaqbalka.” ayay raacisay.
"Haweenka dhibanayaasha kufsiga waa ku xisaabtamayaan taageeradeenna," ayay tiri danjire Thomas-Greenfield. “Kuwa ku go'doonsan goobaha colaaduhu ka jiraan, kuwaas oo mudan nabad iyo cadaalad. Markaa aynu codkayaga kor ugu qaadno magacooda, aynu codkooda siino...oo aan si degdeg ah wax uga qabano”. ayay kusoo gabagabeysay danjire Thomas Greenfield.
Tani waxay aheyd faallo ka turjumeysa aragtida dowladda Mareykanka.