Accessibility links

Breaking News

Taliska Assad waa in lagula xisaabtamaa adeegsiga hubka Kiimikada


Tani waa faalo ka turjumeysa aragtida dowlada Mareykanka

Bishan April waxaa lagu xasuusanayaa laba dhacdo oo xanuun badan, kuwaas oo ah dagaal loo adeegsadey hubka Kiimikada oo ka dhacay dalka Syria. Kii koobaad waxa uu dhacay April 4-teedii sanadkii 2017-ka markaasoo maamulka Bishaar Al-Assad uu hubka Kiimikada ah u daabuley magaalada Khan Sheikhoun oo ka tirsan Idlib.

Weerarka labaadna waxa uu dhacay April 7-deedii sanadkii 2018-ka, wuxuuna ka dhacay magaalada Douma, weerarkan oo ay dadku ku caburmeen kuna neef qabatoomeen ayaa waxaa ku dhintey tiro badan oo haween aan waxba galabsan iyo ragba isugu jira sidoo kale waxaa ku dhintey caruur iyadoo boqolaal qofna ay ku dhaawacmeen.

Ka dib dagaalkii koowaad ee dunida, adeegsiga hubka Kiimikada ah waa la xaaraantinimeeyey, waxaana la hoos geeyey hay’ad calami ah oo QM hoos tagta oo loo soo gaabiyo OPCW.

Linda Thomas-Greenfield madaxa ergada Mareykanka ee QM ayaa iyadoo dhawaan ka hadleysey Golaha Amaanka ee QM waxa ay ku celisey in Mareykanku ay sii wadi doonaan taageerada howlaha madaxa banaan ee uu qabanayo ururka OPCW ee xakameynta adeegsiga hubka Kiimikada iyo baarayaasheedaba.

Ambassador Thomas-Greenfield ayaa xustey kulanka soo socda ee OPCW ee wadamada iyo qeybaha kale in ay fursad u tahay beesha caalamka si ay fariin adag ugu diraan maamulka Assad ,taasoo loogu sheegayo in adeegsiga hubka Kiimikada ah uu yahay mid aan la aqbali Karin ayna keeneyso cawaaqib adag, waxaana ay ugu baaqdey wadamada iyo dhinacyada xubnaha ka ah ururkan ina y go’aan wadajir ah qaataan ayna u codeeyaan talaabooyinka la soo gudbiyey ee ka mamnuucaya Syria xuquuqda iyo xaqii ay ku laheyd cahdiga hubka Kiimikada ah.

Thomas-Greenfield oo soo xiganeysey Dr. Amani Ballour ,oo Golaha Amaanka uga warbixisey adeegsiga hubka Kiimikada ah, ayaa tiri habeenkii ugu hubaa nolosha dhaqaatiirta waxa uu ahaa markii ay Amani timid cusbitaalka halkaasoo ay caruurtu neef qabatoomeen ka dib markii ay ku neefsadeen sunta Sarinta loo yaqaan.

Thomas-Greenfield ayaa tiri “Haweenka iyo caruurta reer Syria waa ay na sugayaan.”

Waxaa kaloo ay intaas raacisey “Waa ay ogyihiin in Golaha Amaanku yiri weerarada loo adeegsanayo hubka Kiimikada ah waa mid aan la aqbali karin,” waana ay ogyihiin in aynu leenahay awood aynu maamulka Assad kula xisaabtano falkaasi, marka aynu fal celino ayna tusno dadkaas innaga warsugaya in aynu balanteena ka dhabeyneyno.”

XS
SM
MD
LG