Accessibility links

Breaking News

Ruushka waa lala xisaabtamayaa


Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Dowladda Maraykanku waxay kala xisaabtamaysaa Ruushka faragalinta uu ku hayo qaranimada iyo madaxbanaanida Maraykanka, gaar ahaan faragalintii doorashadii 2020 iyo weerarada lagu jabsanayo macluumaadka internet-ka ee xafiisyada dowladda federaalka ah ee Maraykanka.

Dowladda Maraykanku waxay qaaday dhowr talaaabo oo lagu cunaqabataynayo Ruushka, waxaana ka mid ah iyada oo wasaaradda khasnadda iyo maaliyadda ee Maraykanku ay xayiraad ku soo rogtay 6 shirkadood oo Ruushka laga leeyahay kana shaqeeya tiknaloojiyadda casriga ah, shirkadahan ayaa sirdoonka Ruushka ku caawiyay weerarada Internet-ka ee lalala beegsaday Maraykanka.

Dowladda Maraykanka ayaa xafiiska sirdoonka Ruushka ee loo yaqaano SVR si toos ah ugu eedeaysay inuu ka dambeeyo weerarada Internetka.

Maraykanka ayaa sidoo kale xayiraad ku soo rogay 32 xaruumo iyo ashkhaas Ruush ah oo lagu eedaynayo inay ka dambeeyeen faragalintii doorashada 2020 iyo fidinta macaluumaad been abuur ah.

Sidoo kale Bankiyada Maraykanka ayaa laga mamnuucay in la macaamilaan bankiga dhexe ee ruushka iyo wasaaradda maaliyadda ee dalkaasi laga bilaabo 14ka bisha June ee sanadkan

Sidoo kale waxaa dalka maraykanka laga eryay 10 dibomaasi oo Ruush ah oo ka shaqaynayay safaarada Ruushka ee Washington, qaarkood ayaa la sheegay in ay ka tirsanyihiin sirdoonka ruushka.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa tallaabooyinkan ku tilmaamay kuwa miisaamaan oo laga fiirsaday

“Dowladda Maraykanku ma rabto in xiisaddu kala dhaxaysa Ruushka ay faraha ka sii baxdo, waxaan rabnaa xidhiidh deggan, marka dib loo eego taariikhada dheer ee taratanka naga dhexeeya, waxay labadeena dal awood u leeyihiin inay hal jid lagu xaliyo khilaafaadka si aanay arrimuhu cirka isugu shareerin,” ayuu yiri.

Madaxweyne Biden ayaa xusay sida maamulkiisu markii uu talada la wareegay uu u suurta-galiyay in labada dal sii joogteeyaan heshiiskii xakamaynta nukliyeerka, sidoo kale waxa uu sheegay in uu khadka tilifoonka kula xidhiidhay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin isaga oo u soo bandhigay in ay labadoodu ku kulmaan Yurub marka la gaadhoo xagaaga si ay toos u wada hadlaan.

“Imika, waa wakhtigii xiisadda la dejin lahaa, waa in hore loogu sii socdo jidka wada hadalka iyo dilomaasiyadda,” ayuu yiri.

XS
SM
MD
LG