Accessibility links

Breaking News

Warbixinta Xuquuqda Aadana ee Russia


Tani waa faallo ka turjumaysa aragtida dowladda Mareykanka.

Dowladda Ruusha-ka ayaa leh awood siyaasaddeed ku dhisan Cadaadis, taasoo geystay xad-gudubyo xuquuqul Insaan sanadkii 2020, ayadoo aysan jirin cid la xisaabtan u sameynayso, sida lagu sheegay warkii ugu dambeeyey ee hay’ada xuquuqul Insaanka.

Waxaa jirey dhowr warbixinood oo sheegay in dowladda Ruushka iyo hay’adaheedda ay geysteen Dilal Sharci darro ah oo aan kala sooc laheyn.

Waxaana dadka ugu badan ee xad-gudubyadaas lagula kacayo ay ahaayeen dad mucaaradka ah iyo kuwa kasoo horjeedo Musuqmaasuqa sida Aleksey Navalny, oo la sumeeyey bishii Agoosto sanadkii 2020, markaasoo weerar ay ku qaadeen koox ka tirsan Novichok.

Waxaa jirtay warar kheyrul caadi ah oo madaxda Ruushka ay dadka Maxaabiis ah ay u haysteen sidoo kalena ay maxkamadeeynayeen shaqsiyaad siyaasiin ah, kuwaasoo la marsiiyey xaalado adag oo Xabsiyeeyna ah, iyo aargoosi lagula kacay.

Dadkaasi la xirxirey ayaa qaarkood waxaa booqdeey dhaqaatiirta dhimirka.

Bishii December, Kooxda Xuquuqul Insaanka ee Memorial, ayaa ku sheegtey Siyaasiinta la xabsiyey inay gaarayeen ilaa iyo 358 qof.

Si kastooy ahaataba Memorial waxaa ay ku qiyaaseen in tirada dadka maxaabiista ah ay Labo jibaar ilaa iyo Saddex jibaar ka badan yhiin inta la wariyey.

Dowlada Ruushnka ayaa ka gashey Xadgudubyo dhowr ah dhulka ka baxsan dalkeeda, kuwaasoo ay ku jirto gacanka Crimea. Dadka degan Crimean Tatar, ayaa ah shacab iyo dad kale oo laga tira badanyahay.

Masuuliyiinta ayaa sameeyey Xabsiyeyn siyaasadeed, iyo Maxkamadeyn lagu sameeyo dadka u dhashey dalka Ukraine ee ka yimid gobolka Crimea, kuwaasoo in badan oo ka mid ah loo geysto Xadgudubyo-ciqaabeed.

Gobolka dhinaca Bariga ee dalka Ukraine, dowlada Ruushka ayaa wali ka wado tababaro, hubayn iyo inay ka barbar dagaalamaan ciidamada Ruushka dadka ay tababraan.

Dad laysku haleynkaro oo dusha kala socdo dalka Ruushka ayaa xaqiijiyey Kumanaan dad ah oo la diley iyo kuwa la dhaawacay kadib markii ay Ciidamada Ruushka ay hoggaaminayaan ay gaareen gobolkaasi

Madaxda dalka Ruush-ka ayaa wali wado caddaadiska xogan ee warbaahinta ay saarayaan.

Sida laga soo xigtey Kooxda Xuquuqul Insaanka, faaf-Reebka wararka TV yada, warbaahinta qoraalka ah, wargaysyada iyo kuwa internet ayaa u socotey, gaar ahaan marka ay timaado dadka kasoo horjeedo dowlada ama marka laga hadlo sida dowlada ay ugu guul-dareysatey inay baaritaano ku sameyso dadka ku qaadayo weerarada dadka Xuquuqul Insaanka difaaco, iyo dibadbaxyada nabadeed.

Madaxda dalka Ruush-ka ayaa wali wado in ay si qaldan u isticmaalka dalkaas qeexitaanka uu sameeyey Argagixisada oo loo weeciyey Xoriyada sameysashada Ururo iyo xoriyada diinta.

Sanadkii 2017, Maxkamada Sare ayaa dambi ka dhigtey falka xubno ka mid ah Jehovah oo sameeyey marag fur, waxaana ay taasi keentey in la joojiyey dhamaanba marqaati furkii Jehovan, waxaana laga mannuucay dalkaasi inay ku yeeshaan xarumo Cibaado.

Waxaa sidoo kale dhinacyada ka mid ah Kooxdaasi lagula kacay Xarig, iyo xabsi Guriyeen, waxaana laga dhigay dambi, in laga qeyqaato Koox Argagixiso ah

Hadii dal, Sida Ruushka ah uu doono inuu wiiqo, Xuquuqaha Aasaasaiga ah, ayuu yiri Xoghayaha arimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken, Waan Istaagaynaa kana hadlaynaa si xoog leh’

XS
SM
MD
LG