Accessibility links

Breaking News

Sudan oo nasakhday sharcigii qaadacaadda Israel


Tani waa faalo ka turjumaysa aragtida dawlada Maraykanka

Golaha madaxa banaan ee Suudaan iyo golaha wasiirada ayaa dhawaan ansixiyay in dib looga laabto xayiraad in ka badan lixdan sano saarnayd Israaiil, sharciga ayaa xanibayay in xidhiidh diblomaasiyadeed lala yeesho Israaiil islmarkaana mamnuucayay in wax xidhiidh ganacsi ah lala sameeyo dawlada Israaiil, ganaaxyo ayaa dul saarnaa kuwa la ganacsada Israaiiliyiinta, iyadoo ay ka mid ahayd toban sanno oo xadhig ah iyo ganaax culus.

“Maraykanku waa uu soo dhaweynayaa shaacintan” ayaa uu idhi afhayeenka wasaarada arimaha dibada Maraykanka Ned Price. Isagoo intaasi sii raaciciyay islamarkaana idhi “Waa talaabo muhiim ah oo fursado cusub oo yididiilo leh u samayn doonta dadka reer Suudaan, Israaiil iyo guud ahaan gobolka”

Shaacinta arintan ayaa Suudaan iyo Israaiil ka dhigtay inay isku soo dhawaadaan islamarkaana ay caadi ka dhigaan xidhiidhkooda iyadoo taasina ay daba socotay saxeexoodii bishii January ay cahdiga Abraham la wada saxeexdeen Maraykanka.

Bishii August ee sanadkii 2019-kii dadka reer Suudaan ayaa xukunka ka tuuray Kalidii taliyihii mudadda dheer soo xukumadayay ee Cumar Xasan Al Bashiir, dalkana waxa hada xukuma xukuumad kumeelgaadh ah oo ay rayid hogaamiyaan, taasi oo raadinaysa xidhiidh wanaagsan oo ay la yeeshaan reer galbeedka iyo horeumar dhaqaale. Dhaqaalaha Suudaan ayaa xumaa tobaneeyo sano oo aan fiicnayn loo maamulayay xiligii Al-Bashiir oo dalka soo maamulayay tan iyo sanadkii 1989-kii oo uu ku qabsaday xukun milatari oo ay islaamiyiintu taageerayeen, Suudaan ayaa sidoo kale kasbatay in lagu tilmaamoo dal argagixisada magan galiya 1990-aadkii oo ay martigaliyeen hogaamiyihii Al-qaaciida Cusaama Bin Laden iyo argagixiso kale oo la raadinayo.

Talaabooyinka ay qaadeen hogaanka cusub ee Suudaan ayaa soo afjaraya taageeradii wadanka ee ficilada argagixisada caalamiga ah, taasi oo keentay in Maraykanku uu dib uga laabto ku calaamadinta Suudaan inay tahay dal martigaliya argagixisada bishii December ee sanadkii 2020.

Heshiiyo dheeri ah oo arimaha caadi lagaga dhigayo ayay saxeexeen sanadkii hore Israaiil iyo Imaaraat-ka Carabta, iyo Baxarayn. Marooko ayaa sidoo kale xidhiidh diblomaasiyadeed la samaysay Israaiil.

“Waanu ku faraxsanahay inaanu soo dhaweyno waagan cusub ee xidhiidhka Suudaan iyo Israaiil” ayaa uu idhi afhayeen wasaarada arimaha dibada Price, “ Waxaananu dhawraynaa inaanu aragno midhaha soo afjarida xayiraadan ay dhali doonto” ayaa uu intaasi ku sii daray.

XS
SM
MD
LG