Accessibility links

Breaking News

Assad oo mar kale lagu qabtay adeegsiga hubka kiimikada


Tani waa faallo ka turjumeysa aragtida dawladda Maraykanka

Warbixin cusub oo uu soo saaray ururka Ka-hortagga Hubka Kiimikadda Baaristiisa iyo Ogaanshihiisa ayaa si rasmi ah ciidanka militariga ee Suuriya ugu eedeeyey inuu adeegsaday hubka kiimikada ah ee la mamnuucay.

Hubka kiimikada oo ay adeegsadeen labadii dhinac ee iskaga soo horjeeday dagaalkii 1aad ee dunida ayaa si aan kala sooc lahayn, isagu, wax u dila, dhaawacna u geysta. Hubku waxa uu keenaa silic, kuwa ka badbaadaana way doorsoomaan, naafo ayena noqdaan inta noloshooda ka hartay.

Bulshada caalamka ayaa mamnuucday adeegsiga hubka kiimikada xiliyada dagaalka, iyada oo loo maray Borotokoolkii Geneva ee sanadkii 1925, iyada oo xiligaas ka dibna si buuxda loo mamnuucay, iyada oo la raacayo Heshiiska Hubka Kiimikada, kaas oo mamnuucaya adeegsiga, horumarinta, soo-saaridda, helidda, keydinta, haysashada, iyo meel kale u wareejinta hubkaas kiimada ah.

Hase yeeshee, xilliyo kala dambeeyey ayaa taliska Asad uu hubkan adeegsaday, isaga oo xoogaga mucaaradka ah oo kali ah aan u adeegsan ee sidoo kale si ku-talo-gal ah ugu adeegsaday xaafadaha dadka shacabka ah.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Ned Price ayaa yiri, “Maraykanku waxa uu cambaareynayaa adeegsiga hubka kiimikada, cidda, Meesha, iyo xiliga ay doonto ha ahaatee.”

Waxa uu intaas raaciyey “Adeegsiga hubka kiimikada ee dal ama cid kale adeegsato waxay khatar amni oo aan la ogolaan karin ku keenaysaa dhamaan dalalka, ciqaab la’aanna iskama dhacayso.”

Afhayeen Price ayaa carrabka ku adkeeyey, “Dhammaan dalalka mas’uulka ahi waa inay isku meel uga soo wada jeedsadaan faafinta hubka kiimikada, iyada oo la ilaalinayo curfiga caalamiga ah ee diidaya adeegsigiisa; waana inaan diyaar u noqonnaa in aan la xisaabtanno taliska Asad iyo ciddii kale ee doorata adeegsiga hubka cabsida leh.”

XS
SM
MD
LG