Accessibility links

Breaking News

Go'aan taariikhi ah oo cambaareynaya Assad


Bashar al-Assad
Bashar al-Assad

Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka.

Codbixin taariikhi ah, Mareykanka iyo 45 dal oo ay ka wada tirsan yihiin Ururka Mamnuucista Hubka Kiimikada ee loo soo gaabiyo OPCW, ayaa lagu guuleystay cambaareeynta taliska Bashar al-Assad ee Syria adeegsigeeda iyo haysashadeeda hubka kiimikada awgeed. Hubka noocan oo kale ah waxa uu xadgudub ku yahay waajibaadka Syria ee ku cad Heshiiska Hubka Kiimikada ee loo soo gaabiyo CWC.

87 dal ayaa u codeeyay ansixinta go’aankan iyadoo 15 dal ay diideen. Marka laga tago cambaareynta Syria ee hubka kiimikada, waxa uu qaraarku hakinayaa qaar ka mid ah xuquuqda Syria iyo mudnaanta ay ku heysato Heshiiska, gaar ahaan xuquuqda ay u lahayd in ay codeyso.

Xaqqan ayaa loo soo celin doonaa oo keliya marka agaasimaha guud ee OPCW uu soo gudbiyo warbixin ah in Syria ay dhameystirtay tallaabooyin gaar ah. Tusaale ahaan, ayuu yiri afhayeenka Waaxda Arimaha Dibada Ned Price, “Syria waa in ay xallisaa dhammaan arrimaha taagan ee khuseeya soo gudbinteedii hore ee keydkeeda hubka kiimikada iyo barnaamijkeedaba."

Codeynta ayaa daba socotay ka dib laba warbixin oo kooxda baaritaanka iyo aqoonsiga ee OPCW ay sanadkii hore si rasmi ah dowladda Syria ula xiriiriyeen weerarro loo adeegsaday hubka kiimikada ah oo dhacay 2017 iyo 2018.

Warbixinnadaasi ayaa ku soo gunaanaday in Syria ay sii waday in ay isticmaasho gaaska sunta ee dilaaga ah sanado ka dib markii taliska Assad uu ka tanaasulay isticmaalka hubkaasi uuna soo wareejiyay kaydka rajiimku sheegay inuu haysto si loo burburiyo.

Mareykanka laftiisa ayaa caddeeyay in taliska Assad uu adeegsaday hubka kiimikada ugu yaraan 50 jeer tan iyo markii uu ku soo biiray CWC sanadkii 2013-kii.

Tani ayaa markii u horreysay ee tallaabo ceynkan ah laga qaado dal ka tirsan OPCW. “Mareykanku waxa uu soo dhaweynayaa go'aanka OPCW, wuxuuna bogaadinayaa sida joogtada ah ee bulshada caalamka ay uga go'an tahay ilaalinta sharciga caalamiga ah ee ka dhanka ah adeegsiga hubka kiimikada," ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Ned Price.

“Isticmaalka hubka kiimikada ee dowlad kasta waa khatar amni oo dhammaanteen aynaan aqbali karin.”

XS
SM
MD
LG