Accessibility links

Breaking News

Siyaasadda Mareykanka ee ku wajahan Galbeedka Balkans-ka


Tani waa Faalo ka turjumaysa aragtida dowlada Mareykanka.

Dowlada Mareykanka waxaa ka go’an inay taageerto wadamada Koonfur-Bari Yurub ee la yiraahdo “Western Balkans” ee ku joogo dhabihii ay ula midoobi lahaayeen, xubina uga noqon lahaayeen ururadda ay ku bahoobeen wadamadda reer Yurub.

“Waxaan la shaqeynaynaa dalalka dhaca Koonfur-Bari Yurub iyo dalalka Yurub ee kula midoobey inay horumariyaan dowladnimada, Sharciga, qaabeynta ka hortagista Musuqmaasuqa, horumarinta xoriyadda warbaahinta, iyo bulshooyin isla wada nool. Sidaasi waxaa war qoraal ah ku yiri Ned Price oo ah afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.

Arinkan ayaa nqoonayo mid sare u qaado hadafyadii cakirnaa ee guud ahaan qaaradda Yurub ee ahaa nabadda iyo Bilaash.

Dowlada Mareykanka waxaa ka go’an in ay caawiso dalalka dhaca Koonfur-Bari Yurub ee layiraahdo “Western-Balkans” in ay sii xoojiyaan iskaashigooda heer gobol ee dhaqaalle, ay na u hirgaliyaan hadafkooda ka hortagaista Wasaqowga Cimiladda, ayna ka u diidaan cadaadiska tamarta ee Ruushka ayagoo qaadanayo horumarinta.

“Si loola dagaalmo Cadaadiska Tamarta ee Ruush-ka ayadoo loo marayo Isdhexgal ah iyo horumar xagga Tamarta ah, la dagalaanka Musqmaasuq iyo dambiyada. Waxaan sidoo kale rabnaa in ka caawino gobolka inuu kobco ayadoo laga ilaalinayo Xad-gudubyada Shiinaha inay waxyeelo gaarsiiyaan Shirkadaha iyo Khidadaha Istaatiijiyadeed. Ayuu intaasi ku darey Afhayeen Price.

Ayadoo Xariirka la eegayo xariirka salka adag ku fadhiyo ee Mareykanka uu la leeyahay gobolka, Waxaa dowlada Mareykanka ay qiimaynaysaa ayaa lagu yiri warbixintaan, iskaashigeeda xagga difaaca iyo arimaha amniga, kuwaasoo ay ku jiraan kuwa ugu dambeeyey ee Xulufadda NATO ee Montenegro iyo North Macedonia.

“Waxaan soo dhoweynaynaa hanaanka ay sameeyeen Albania iyo Waqooyiga Macedonia ee ku salaysan dib u qaabeynta muhiim ah waxaana sii wadi doonaan inaan caawino furitaanka Midowga Yurub wada xaajood uu l ayeehay bisha June Labadan dal” ayuu yiri Mr. Price.

Dowlada Mareykanka ayaa diyaar u ah inay taageero Isfaham, Isku xirka heshiisyada lagu soo dabaalayo Kosovo ioy Serbia, inay meel mariso, kuwaasoo keeni doono Iskaashi waaro iyo barwaaqo. Waxaan taageersanahay Midowga Yurub inay fududeeyaan wada xaajoodyada ayna dhiiragaliyaan in dhinacyada ay yeeshaan si dib loogu noqdo hanaanka deg deg ah oo looga hadlayo dhamaan arrimaha Siyaasadda iyo sidoo kale farsamooyinka,” ayuu yiri Price.

Dowlada Mareykanka ayaa waxaa ay kala shaqeynaysaa Beesha Caalamka inay taageeraan Bosnia iyo Herzegovina inay dib u habayn gaarsiisa inay horumar gaaraan oo ay isu sharaxaan ah inay ka mid noqdaan Midowga Yurub, kuwaasoo ay ku jirto inay sameeyaan dib u habaynta doorashada.
Xafiiska Wakiilka Guud ee dalalka Bosnia iyo Herzegovina, oo loo yaqaano OHR, waxaa la dhisay Shan iyo Labaatan Sano ka hor ayadoo lagu dhisay heshiiskii Dayton, waxuuna kaalin weyn ka qaatey Nabada iyo Xasiloonida halkaasi ka jirta.

Wararka kutiro kuteenka ah ee laysla dhexmarayey ee ku saabsan in la bedelayo xuduudaha dalalka Balkans oo ay ku jiraan Leymanka dhexyaalo qowmiyahadaha waxuu Qatar galinayaan in nabadda gobolka lasii haysto waxuuna dib dadka u xasuusinayaan dhibaatooyinkii xasarado ee dhacay, ayuu ku digay Afhayeen Price.

“Mustaqbal degan oo leh burwaaqo oo ay gaaraan dalaka Galbeedka Yurub ee Balkans laysku yiraahdo, waa in ay kusalaysnaataa dowladnimo wanaagsan, ku dhaqanka sharciga, dimocraadiyad ku salaysan qowmiyado kala duwan, iyo xushmeynta Mabaadiida xoriyada iyo xuquuqul Insaanka”
Taasi waxey ahayd Faalo ka turjumayso aragtida Mareykanka.

XS
SM
MD
LG